Allgalgaduud Media (AGGM) - Amiir Xarakada Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane iyo Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” ayaa waxaa soo kala dhex gallay khilaafaad baahsan.
Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu bilaabay kolka uu ku sugan yahay masaajidyada ku yaalla goobaha ay maamusho Xarakada Al Shabaab in uu ka weeraro amiirka Xarakada Al Shabaab Axmed Godane.
Sheekh Fu’aad ayaa dhawr jeer oo horey u sheegay in amiirka Xarakada Al Shabaab Axmed Godane laga doonaayo in uu yimaado faruumaha hore ee dagaalka, isagoo ka digay in uu ka dhuunto dagaaladda ka soconaaya magaaladda Muqdisho oo uu sheegay in’ay Jihaad yihiin
Sheekha ayaa sheegay in uu Axmed Godane iska qariyo Jihaadka ka soconaaya caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isla-markaana wuxuu si qaylo leh uu ku iri “War waa inaad timaadaa faruumaha ee dagaalka, hase ahaatee weerarka afka ah ee kasoo yeeraaya Fu’aad Shongolle ayaa waxaa si-weyn uga qaylo dhaamiyay Axmed Godane.