Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:00 am

Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah oo xalay Hawl-gal ka fulisay Magaalada Burco


Waxay qabteen Sadex Nin iyagoo Gacan ka helay Ciidanka Bilayska
Burco (Waaheen)- Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanab ah ayaa xalay Hawl gal ka fulisay Xaafada Tuurta oo ka tirsan Magaalada Burco,waxanay sida la sheegay hawl galkaasi ku qab-qabteen saddex nin oo ay daba socdeen.
Sida ay sheegayaan warar Xogo-gaal ah oo aanu xalay saacadihii dambe ka helnay magaalada Burco,diyaaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Magaalada Burco ayaa Xalay si lama Filaan ah u fadhiiisatay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Burco ,isla markaana weerartay Guri ku yaala Magaaladaasi oo ay ku qabteen 3 Nin oo ay hore u daba socdeen.
Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey.
Diyaaradan Hawl-galka Fulisay iyo Ciidamada La socday ayaan la garayn meesha ay ka socdeen iyo cida ay ka dambaysay,isla markana ragan la qab-qabtay ayaan la Aqoonsan Magacyadooda waxaase la sheegay in mid ka mid ahi uu ka yimi dalka debadiisa labada kalena u dhasheen Somaliland.
Ragan la qabqabatay oo sida la sheegay hore ay u daba socdeen Ciidanka diyaarada watay ayaa lagu tuhunsanyahay inay Xidhiidh la leeyihiin Kooxa argagixisada ah, mana cada in diyaaradasi qaday iyo inay Gacan Somaliland ku jiraan.
Diyaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Burco ayaa habeenkii xalay ahaa Abaaro 10 Habeenimo waxa si lama Filaana Loogu baraarugay guuxeeda haybteedana la garanaynin oo joog hoose ku duulaysa taas oo keentay in guuxa diyaaradaasi dibeda u soo saaray dadkii guryaha Ku jiray.
Diyaaradani waxay ku wareegaysay daafaha magaalada iyadoo isla waqti yar ka diba dib ugu soo labanaysa gudaha iyadoo halkaasi ka sii wada guuxa iyo jooga hoose ee ay ku duulayso taas oo mararka qaarkeed shidaysa guluubo bixinaya iftiimo isugu Jira Casaan iyo Buluug.
Dadka magaalada ayaa tan iyo waqtigii Guuxa diyaaradu soo baxay si weyn u hadal hayay taas oo qof waliba dareenkiisa ku cabirayay waxa ay la tahay diyaaradani iyo sababta ay ugu waragayso magaalada Burco.
Madaarka Diyaardaha ee Magaalada Burco oo isaga ay dhawaan dib u furtay Xukuumada Cusubi ayaanay habayaraatee wax diyaarad ahi ka soo degin iyadoo xiligani madaarka ay ka socoto Hawl Qodis ah oo aan la garanaynin waxa laga Baadhayo taas oo Masuuliyiinta wasaarada warfaafintu ay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan,waxaanay dadka magaaladu isla dhexmarayaan in laga baadhayo hub ku aasan madaarka, madaama oo madaarku uu ka mid ahaa Saldhigyadii ay ugu Xooga badnaa ee ay isticmaali jireen ciidamada Kaligii taliyihii Siyaad Barre.
Inta badan waxa dhacda Diyaarado badan oo ku soo xad gudba hawada Somaliland kuwaasi oo aan wax ogolaansho ah ka haysanin wasaarada Duulista iyo Hawada oo ay shaqadeeda tahay Arintani waxaanay arintani ku soo beegmaysaa xili dhawaan ay madaarka magaalada Hargaysa Soo Fadhiisatay Diyaarad Saanad Milatari u siday Maamul Goboleedka Puntland

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:01 am

Cali G
Burco ma la hadashay :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:07 am

"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo :up:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:07 am

"Diyaaradan Hawl-galka Fulisay iyo Ciidamada La socday ayaan la garayn meesha ay ka socdeen iyo cida ay ka dambaysay,isla markana ragan la qab-qabtay ayaan la Aqoonsan Magacyadooda waxaase la sheegay in mid ka mid ahi uu ka yimi dalka debadiisa labada kalena u dhasheen Somaliland."

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby new-york24 » Sat Jan 15, 2011 2:11 am

"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo :up:
Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretes and posing for pictures hoping to get a white guy in a photo :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:14 am

"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo :up:
Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretes :lol:
waar hadhee nimaka H-jeclo ee shiish kebaab tageeraa waa la iska ogaa ciday yihiin, Dahiir riyaale wuu ka baqan jiray, oo wuu ku dhici kari waayey, lakiin siilaanyo waa nin H-jeclo kolkaa amar buu ku siyeey in la qabto oo ay police-ka somaliland gacan ku siiyeen. i wanna hear from Ilkoyarta yada :lol: :

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby new-york24 » Sat Jan 15, 2011 2:18 am

"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo :up:
Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretes :lol:
waar hadhee nimaka H-jeclo ee shiish kebaab tageeraa waa la iska ogaa ciday yihiin, Dahiir riyaale wuu ka baqan jiray, oo wuu ku dhici kari waayey, lakiin siilaanyo waa nin H-jeclo kolkaa amar buu ku siyeey in la qabto oo ay police-ka somaliland gacan ku siiyeen. i wanna hear from Ilkoyarta yada :lol: :
Waa yahay bal aan generalsnm ka war sugno.

Kanada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Thu May 28, 2009 6:15 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Kanada » Sat Jan 15, 2011 2:27 am

Innalillahi winna illayhi rajicoon

waxaan ma ku faanay qashinyahow?

Your own citizens get kidnapped by foreign helicopters while the police watch by, cajeeb. Secularist idoors are the worst scum wallahi.
Last edited by Kanada on Sat Jan 15, 2011 2:29 am, edited 1 time in total.

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:27 am

Ilo xog xogaal oo hadhwanaagnews xuuraansatay aya u sheegay in Diyaaradani ahayd Diyaarad Daba joogtay kooxo la sheegay inay debedda uga yimaadeen fulinta falal argagaxiso ay ka fuliyaan Gudaha Dalka

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Goljano Lion » Sat Jan 15, 2011 2:32 am

Innalillahi winna illayhi waricoon

waxaan ma ku faanay qashinyahow?

secularist idoors are the worst scum wallahi.
they were A terrorists who were planning suicide bombs in Somalilan, Bravo and well done :up:

Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay

User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby abdisamad3 » Sat Jan 15, 2011 4:24 am

Innalillahi winna illayhi waricoon

waxaan ma ku faanay qashinyahow?

secularist idoors are the worst scum wallahi.
they were A terrorists who were planning suicide bombs in Somalilan, Bravo and well done :up:

Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay
and how can you prove this while sitting on your pathetic ass somewhere in the west..unknown people are openly kidnapping people and your here celebrating..cajiib walahi..but typical ignorant somali monkey..nothing new. :down:

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5268
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby kaliil » Sat Jan 15, 2011 5:07 am

Goljano xaafada ragga laga qabqabtay waa Xaafad Habar Yoonis oo galbeedka Burco ku taala markaa ilkoyar maaha koley.

Burco(OWN)- Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in caawa howlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheerb ay ku qab qabteen Saddex Qof oo lagu tuhunsanyahay in lagu xidhay arimo la xidhiidha Argigixisnimo.

Ciidamada amaanka ayaa Caawa Saddex qof ku qab qabteen Agagaarka Xaafadla candle-light loo yaqaana ee ku taala Magaalada Burco, iyagoo loo taxaabay dambiilayaashaas saldhiga wayn ee magaalada Burco, waxana ay ciidamada ka gaabsadeen inay sheegeen ilaa iyo inta ay baadhayaan arinta ragaas lagu xidhay.

Wixii warar ee dheeraad ah ee la xidhiidha arintaas kala soco Oodweynenews.com.

Oodweynenews.com

Burco/Office

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5268
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby kaliil » Sat Jan 15, 2011 7:18 am

Ciidamada Amaanka Somaliland oo Hawl-gal Balaadhan Ku Xidhxidhay Saddex Nin oo Laba Ka Mid ah ay Reer Koonfureed Yihiin.


Burco(Ramaas) Jan,15.2011- Ciidamada Amaanka ee Soomaliland oo Isugu jira Boolis iyo Meleteri ayaa xalay abaara 11:00 hawlgal aad u balaadhan oo laga fuliyey xaafadda Tuurta ee magaalada Burco.

Saddexdan Ruux oo Rag ahaa ayaa laga qabqabtay guri uu lahaa mid ka mid ah,oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Good Abees, sida wararka shabakadda Ramaas news ay ku heshay waxa labada nin ee kale lagu sheegay in ay ahaayeen qaar ka soo jeeda soomaaliya, oo muddo saddex maalmood ah, joogay magaalada.Saleebaan waxa uun ka mid ahaa shaqaalaha ka hawl gala mid ka mid aha shirkadaha is gaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, waxaanu ka soo laabtay oo hore u deganaa dalka Ingriiska, waxaanu sannadadii u danbeeyay deganaa Burco.

Haddaba mar aan wax ka waydiinay dadkii xaafadda deganaa sida xaaladdu u dhacday waxa ay noo sheegeen in xaafadda gebi ahaanba lagu wargeliyay inaanay debada u soo bixin iyada oo ay diyaarad aad u xoog weyn oo aan haybteeda la garanayn ay ku dul meehanaabaysay magaalada dusheeda. Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta xadhagga ragaas lagu xidhiidhiyey.

Dhinaca kale mar ay shabakada wararka ee ramaas isku dayday in ay la xidhiidho mas’uuliyiinta maamulka gobolka si ay u xaqiijiyaan xaaladda dhabta ah ee ka danbaysay qabashada dadkaas, ayaa waxa aan u suura gelin in ay ka helaan jawaabo, iyada oo qaarkoodna ay ka gaabsadeen in ay saxaafadda la hadlaan.

Ramaasnews Desk

Burco

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby Siciid85 » Sat Jan 15, 2011 7:28 am

"Cidamada Amaanka Somaliland oo Hawl-gal Balaadhan Ku Xidhxidhay Saddex Nin oo Laba Ka Mid ah ay Reer Koonfureed Yihiin."

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5268
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah

Postby kaliil » Sat Jan 15, 2011 7:38 am

Dawlada Axmed Siilaanyo waa dawlad liidata. Saddex nin ayay ajanabi diyaarado wata ugu yeedheen markaasay dawlad isku sheegayaan.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 34 guests