Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maakhir State of Somalia Is BAAACK !

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
PrinceOfDarwiishLand
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 419
Joined: Fri Dec 31, 2010 8:22 pm

Maakhir State of Somalia Is BAAACK !

Postby PrinceOfDarwiishLand » Mon Jan 17, 2011 1:12 pm

Waxaa taariikhdu markay ahayd January 15, 2011 shir ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshahda reer Maakhir kuwaas oo ka kala yimid Yurub, Waqooyiga Amerika, iyo Afrika. Kuwaas oo isuga jiray qaybaha kala duwan sida culimada, aqoonyahanada, siyaasiiinta, ganacsatada,dhalinyarada, haweenka iyo ardayda waxku barata Jaamadacadaha wadanka Maraykanka. Shirkaas oo looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin guud ahaan horumarinta deegaanada Maakhir (Sanaag, Haylaan, iyo galbeedka Bari) gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa arimaha caafimaadka , waxbarashada , nabadgelyada, islamarkaana loo sameyn lahaa muumul gaarsiisan dhamaan degaanada Maakhir. Maamulkaas oo laga soo asaasayo halka ugu hoosaysa sida tuulooyinka iyo degmooyinka ilaa heer gobol iyadoo tixgelin la siinayo rabitaanka shacabka. Waxaa la isla meel dhigay in ay muqadis tahay midnimada Soomaliyeed isla markaana la ilaaliyo deriswanaaga iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo maamulka Puntland.


Dhamaan waxgaradkii ka qaybgalay shirkan waxa ay isla qaateen in si loo helo maamul ka taabagala dhamaan deegaanka Maakhir ay lagama maarmaan tahay in la helo dad aqoonyahano ah oo ku noqda wadankii, kana qaybqaata tayaynta deegaanada maamulku ka jiro.

Shirkan oo uu si hufan u daadihinayey wariyaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cali Cabdi Xaraare,ayaa furitaankii shirka waxaa muxaadaro diini ah oo ku saabsan faa’iidada ay midnimadu bulshadada u leedahay ka soo jeediyey Sheekh Jaamac Cabdi Raage oo ka mid ahaa ergadii ka timid Kanada. Intaa ka bacdi, waxaa shirka ka hadlay Caaqilka Guud ee reer Maakhir ee waqooyiga Ameerika Caaqil Caabi Faarax Cali Cashuur. Caaqilka ayaa aad wuxuu ugu hadlay mashaariicdii hore eey jaaliyada reer Maakhir ee qurbajoogta ah ka qaybqaateen iyo kuwa soo socda oo laga fadhiyey in si hagar la’aan ah uga qaybqaataan. Caaqilka ayaa ku baaraarujiyey aqoonyahana iyo dhalinyarada reer Maakhir in ay hormuud u noqdaan isbedel rasmi ah oo dhicanyo badan taabanaya. Caaqilka ayaa ku baaraarujiyey aqoonyahana iyo dhaliyarad reer Maakhir in ay hurmaad u noqdaan isbedel rasmi oo dhicanyo badan taabanaya.

Waxaa kalo madasha shirka ka hadalay aqoonyahan Jamaal Maxamed Xasan Muuse oo kamid ahaa ergadii ka timid Kanada, islamarkaana ahaa Gudoomiyaha Gudiga shirka soo qabanqaabiyey. Jamaal waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey sababta keentay in shirka la qabta iyo himilooyinka laga leeyahay. Jamaal waxa uu sheegay kadib markii ay sameeyaan baaritaan iyo wadatashi dheer oo ka qaybqaateen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Maakhir uguna horeeyaan madaxdhaqmeedyadu in ay soo baxday baahida loo qabo in la helo isbedel rasmi ah oo wadanka ka hanaqaada, islamarkaana la jaanqaadi kara marxaladaha ka jira wadanka Soomaaliya. Jamaal waxa kale oo uu xusay in ay jiraan dhaqdhaaqyo kale oo isku xiran oo ay wadaan waxgarad reer Maakhira oo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Sidoo kale waxa shirka hadal qiimo badan islamarkaana aad loo la dhacay ka soo jeedisay aqoonyahanad Muna Jaamac Cabdi oo ka mid ahayd ergadii ka timid gobolka Virginia. Muuna ayaa si faahfaahsan uga hadashay doorka haweenka ku leeyihiin bulshada , waxqabadka haweenka reer Maakhir iyo sidoo loo tayaynlahaa ururada haweenka ee degaanka Maakhir.

Abwaan Saciid Saalax Axmed oo ka mid ahaa aqoonyahanada madasha ka hadashay ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday muhiimada waxbarasha iyo doorka ay ku leedahay horumarka bulshada.

Intaa kadib, waxaa shirka ka hadlay Korynayl Maxamuud Cali Ciid (Dabagaale) oo aad ugu dheeraaday muhiimada nabadgelyada iyo dhisida hay’adaha amniga. Kornayl Maxamuud ayaa cadeeyey in hadii aan la gaarsiin maamul tayaysan oo ay u dhanyihiin laamihiisa amniga ay adkaandoonto in la helo horumar rasmi ah oo la taabankaro.

Isla goobtaa waxaa ka hadlay aqoonyahan Maxamuud Jaamac Xaamud oo ka hadlay muhiimada maamul wanaaga iyo mudnaanta in la helo maamul hufan oo isu dheelitirin.

Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalle oo ka mida ah xildhibaanada baarlamaanka dowlada dhexe , isla markaana ah xildhibaan ku caanbaxday u istaaga danaha umadda Soomaliyeed iyo kan gaar ahaaneed ee bulshada reer Maakhir. Xildhibaanada ayaa ka hadashay doorka ay dowlada dhexe ee Soomaliya ka qaadankarto horumarinta deegaanka Maakhir iyo muhiimada dowlada dhexe u leedahay in maamul la gaarsiiyo degaanadaa.

Dr.Saciid Cismaan Faahiye (Shaacir) oo ka mid ahaa aqoonyahadii shirka ka soo qaybgalay ayaa isaganu soo jeediyey talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii degaanka loo horumarinlahaa.

Waxaa isna goobta shirka ka hadlay ganacsade Ibraahim Shire Faarax Weyne hogaaminayeyna ergadii ka timid Seattle Washington ahna Maareeyaha guud ee warbaahinta SPR. Ibraahim waxa uu ka hadlay faa’iidada warbaahinta iyo doorka wacyigelintu ka qaadato horumarka bulshada.

Goobtan waxaa kaloo ka hadlay Cabdulaahi Saalax Geeljire oo ha gudoomiye Maakhir Development Group oo isagu si fatiran uga hadlay taariikda ururka iyo waxyaalihii uu qabtay. Cabdulaahi ayaa isagu sheegay mashuuraca ugu wayn ee hada ay wadaan in yahay taabagelinta Maakhir Univerity oo dhawaan laga furay magaalada Badhan.

Sidoo kale Aqoonyahanad Deeqa Xasan Shabeele oo goobta ka hadashay ayaa si tafatiran ugu hadashay sidii la isugu xiri lahaa dhalinyarada reer Maakhir ee dunida dacaladeeda kala jooga.

Shirka waxaa isaguna hadalo qiima badan ka soo jeediyey oo ku saabsan muhiimda ay leedahay wadajirka umada iyo in gacmaha la isqabsodao Ibraahim Huruuse oo ka mid ah waxgaradka aad looga tixgeliyo waqooyiga Ameerika.

Ganacsade Maxamuud Ciise Aar oo isagu dhowaan ka soo noqday wadankii , islamarkaana soo maray meelo badan ayaa soo jeediyey warbixin qiiragelisay ka soo qaybgalayaashii shirka. Maxamuud wax uu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay deegaanka, iyo baahida baaxada wayn oo ka jirta wadankii taas oo dhinacyo badan taabanaysa. Maxamuud waxa kale oo si hufan uga hadlay muhiimada ay leedahay iyo in ay lagama maarmaan tahay in loo gargaaro dadkii ku barakacay dagaaladiii Galgala iyo dadka abaarta xoogani ay saamaysay.

Dhakhtar Cabdifataax Xuseen Dheere oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa si wanaagsan oo qotadheer uga hadlay arimaha caafimaadka isagoo xusay in muhiimad gaar ah la siiyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada ee arimaha caafimaadka.

Inta uu shirka uu socday waxaa iyaguna gabayo iyo buraanburo ka soo jeediyey abwaano ay ka mid ahaayeen abwaan Mataan, abwaan Cawil Saciid iyo abwaanada caanka ee reer Minnesota Caasho Cabdi.

Waxaa iyana sidoo kale ka hadlay Maxamed Caato oo ah gudoomiyaha ardayda reer Maakhir ee waqooyiga Ameerika oo isagu si habsami leh uga hadlay isku xirka dhalinta Maakhir wax ka dhigata dunida dacaladeeda.

Ugudanbayn waxaa shirka ka soo baxay qodobada soo socda:

1) In la sii wado daraasaadka ku saabsan sidii looga gudbi lahaa waxyaalaha hortaagan helida maamul gaarsiisan dhamaan deegaanada Maakhir.

2) Waxaa la go’aansaday in dad aqoonyahan ah lagu celiyo wadankii islamarkaana la sameeyo gudi u xilsaaran arintaas

3) In la sameeyo urur u dooda xaquuqda dadka reer Maakhir

4) In dadaal dheerad ah lagu bixiyo sidii wadanka loo gayn lahaa mashaariic horumarineed

5) In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummada reer Maakhir

6) In mudo 60 maalmood gudaheeda la isagu yimaado kulan kale oo hawsha halkaa kasii anbaqaada.

Ugu danbayntii waxaa mahad gaar ah loo jeediyey dhamaan dadkii ka qaybqaatay islamarkaana suurta geliyey shirka oo ay ka mid ahaayeeyn: Sugule Warsame Sugule, Gurey Hure, Farxa Xasan Shabeele iyo Khaalid Maxamed Maacir.

Sawirada Gadaal adaan idiinkasoo gudbin doonaa

Xigasho SPR.FM,

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 24 guests