Madaxwayne Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ganacsato ah oo ka socday Imaarada Raasul khayma
22/01/11-War-Saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Arrimo Ganacasi u socda oo uu Hogaaminaayo Sarkaal ka socda Imaarada Raasul Khayma.
Weftigan oo uu ka mid ahaa Ganacsadaha Al-jaabiri waxa ay madaxweynaha kala Hadleen sii xoojinta Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Sucuudiga.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay Maal-gashiga Dalka Gudihiisa Gaar ahaan Ganacsiga Wershadaha IWM.
Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Mahad celiyey Booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland.