Lix ka mid ah Xarakada Al Shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhashay miino ay ku aasayeen buundada 1aad ee Magaalada Beledweyne.
Qaraxa ayaa sababay in la kala garan waayo meydadka lixda nin oo jirkoodu uu cad cad u jarjarmay, waxaana islamarkiiba goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray qaar ka tirsan Al Shabaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in lixda nin ay muddo halkaasi ku sugnaayeen ka hor intaysan ku qarxin miinada ay aasayeen.
Dhinaca kale, Al Shabaab ee isla Gobolka Hiiraan ayaa weerar ku qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku nool tuulada Ceel-ciid oo aan sidaas uga fogayn degmada Jalalaqsi.
Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa weerarkaasi ku dhaawacay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka, iyagoo horay u sii kaxeystay wiil dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inuu jaajuus u yahay ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan.
Weerarka ay Al Shabaab ku qaadeen xoolo dhaqatada ayaa ku soo beegmaya xilli Al Shabaab ay isaga baxeyso qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.