Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sheekh CUmar Faaruuq & WaxQabadkiisi Diineed

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Sheekh CUmar Faaruuq & WaxQabadkiisi Diineed

Postby KeligiiJabhad » Wed Mar 09, 2011 12:29 pm

Sh Cumar Faaruuq:Tarjumaankii Soomaaliyeed ee Qu,aanka Kariimka.

(W/Q:-Sh Maxamed Idirs)


Waxaa goor dhowayd nagu soo duulay geerida naxdinta leh ee Sheekhii Caalimka ahaa, Turjumaankii Qur,aanka, ee Ummadda Soomaalida ah, Daacigii Islaamka, Toosiyihii Bulshada, Shekh Cumar Faruuq Xaaji Cabdi Suldaan, Ilaahay ha u naxariisto, Janaatul Firdowzana ha ugu abaal gudo, Wuxuu dembi lahaana Allaha u dhaafo, Qabrigiisa Allaha Qaboojiyo oo u Waasiciyo, Eheladiisii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimkaana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sh. Cumar Faaruuq waxaan Ilaahay uga rajaynayaa inuu noqdo kuwa ka nasta oo ka raaxaysta qaxarkiyo dhibaatada adduunyada, Waxaan Ilaahay uga rajaynayaa sida Tafsiirkiisa Qur'aanka Kariimkaa, boqollaal kun iyo malaayiin Soomaali ihi uga faaiidaysatey, inuu ilaahay Raaxada Janadda ugu abaalgudo.

Sh. Cumar Faaruuq markii aan bartay muddo 30 sano ka badan ka hor, isagoo tafsiirka Qur'aanka ka akhrinaya rugtii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah, dalka Sucuudiga, taasoo ku dhegganayd Safaaraddii Soomaalida ee Jiddah, kuna oolayd xaafadda Sharafiya, Jidka Madiina, waxaa dhegeysanayey berigaas casharka tafsiirka oo sheekhu halkaa ka akhrinayey dad yar oo aad u kooban. Wexey ahayd waayadii dadka Soomaaliyeed Mucaaridka Dawladda isaga badnaayeen. Kadibna Sheekhu Tafsiirka iyo Kutub kaleba wuxuu ku akhrin jirey Xaafadda Kiiloo 7, magaalada Jidda, oo Soomaalidu ku badnayd, Halkaas oo lagaga duubay Sheekha Tafsiirka Soomaalida dhexdeeda aadka ugu caan baxay.

Horraankii sagaashameeyadii ayuu sheekhu ka helay casuumad Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Iskaandaneefiyaanka, gaar ahaanna Dalka Sweden. Jaaliyadda iyo Maraakista Dacwada ee Soomaalida ee Dalka Sweden, ayaa Sheekha dejiyey Dalka Sweden, una sameeyey Iqaamadda dalka lagu joogo. Muddo dhawr Sano ah ayuu Sheekhu Daaci ka ahaa, Dalka Sweden iyo dalalka Iskandaneefiyaanka, wuxuuna ka qabtay shaqo dacwadeeda oo aad u ballaaran raadkeeduna ilaa hadda uu sii muuqdo. Waxyaabaha Sheekhu ka qabtay waxaa ka mida:

1) Akhrinta Duruusta Cilmiga ah gaar ahaanna Tafsiirka Qur'aanka, Tawxiidka, Fiqhiga iyo Luqada, iyo dhammaan culuumta shareecada.

2) Muxaadaraadka iyo Kelimaadka wacyigelinta Bulshada, gaar ahaanna Shirarka waaweyn oo sheekhu uu xiddig bidhaama ka ahaa waqti dheer.

3) Midaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida, iyo Ururada oo sheekhu uu had iyo jeer ku dadaali jirey in la mideeyo.

4) Asaaska iyo isku dubbaridka Maraakista iyo Masaajidda

5) Dhex dhexaadinta iyo Islaaxinta Qoyska iyo dhibaatooyinka Bulshada Qurbaha

6) Fatwada iyo ka jawaabidda Su'aalaha ay bulshadu qabaan

7) Booqashooyinka magaalooyinka iyo Tuulooyinka ay Bulshadu ku firiqsantahay iyo baraarujintooda.

Arrimahaas iyo kuwa kaloo ka badanba Sheekhu wuxuu ka qabtay mudadii uu ku sugnaa dalalka Iskandineefiyaanka gaar ahaanna dalka Sweden oo saldhig u ahaa Sheekha, siiba Magaala madaxda (Stockholm) iyo magaalada labaad (Gothenburg). Wuxuu sheekhu cagta dhigay tuula kasta oo ay degganaayeen Soomaalidu.

Markaan Sanadihii ka dambeeyey labada kun, aan maray dalka Sweden, meel kasta oo aan maro waxaan arkayey raadkii Sheekha. Markaan magaalooyinka qaarkood marayna waxaan seexday isla guryihii iyo qolalkii uu seexday Sh. Cumar Faaruuq sida ay ii sheegeen dadkii meelahaas ku noolaa, Sida magaalooyinka, Stockholm, Gothenburg, Orebro, Gislavet. Mar aan tegey magaalada u dhow Caasimadda ee Jaamacadda macruufkaa ku taal, Uppsala, wexey igu yiraahdeen Hoolkan shirarka waxaa muxaadaro ugu dambeeyey Sh. Cumar Faaruuq, iyo hadda markaad noo timi.

Magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaa ku yaalla Masjidka iyo Markaska Soomaalida ugu weyn ee Masjid Tawfiiq, iyadoo berigaa Soomaalidu dhawr meelood ku kala xeraysantahay, waxaa isu keenay, oo Masjid Tawfiiq isugu keenay, Sh. Cumar Faaruuq, Allaha u Naxariistee, iyo Sh. Mustafa Xaji Ismaaciil Haaruun, Allaha Dhawro. Ilaa haddana Masjidka Tawfiiq wuxuu ka mid yahay Masaajidda, xagga Jamaacada iyo Waxtarka iyo Khayraadka ugu Baraka badan, sidaan is leeyahay, Masaajidda iyo Maraakista Soomaalidu Qurbaha ka asaastay, waana fadli Ilaahay.

Sh Cumar Faaruuq wuxuu ahaa, sidaan ku bartay, nin ka weyn urur gaara, iyo reer gaara, ama fikrad gaara, wuxuu ahaa Caalim Muslima, Soomaalinimaduna aad ugu weyntahay, had jeerna jecel, wanaagga iyo huruumarka Ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadeeda. Wuxuu ahaa Culimada raga ugu dhega nugul marka loogu yeero arrin caam ah oo bulshada Soomaaliyeed maslaxadeeda Khusaysa.

Sheekh Cumar Faaruuq, Allaha u Naxariistee, waxaanu ka wada shaqaynay munaasabooyin badan oo dacwada ah, waxaa ka mid ahaa, baaqii Makka loogu magac daray, oo xajkii 94 ay Culimo iyo Ducaad Soomaaliyeed oo fara badan ay Magaalada Barakaysan ee Makkah kasoo saareen, ayna u jeedinayeen Ummadda Soomaaliyeed, looguna baaqayey nabad iyo muwaafaqo iyo heshiis, oo u noqoshada Shareecada Islaamka xukunkeeda wax kasta oo dhexdooda jira, Sheekhuna u ahaa afhayeen, aniguna aan ula shaqaynayey xoghayn, inkastoo dhaqdhaqaaq badan iyo xiriira la sameeyey, haddana sidii la rabay uma mira dhalin.

Sidoo Kale waxaa Magaalada Makka lagu qabtay Xajkii 1995 sida aan jeclahay, documentiyadii hadda mahayo, shir lagu soo dhoweeyey Culimadii maxaakimtii Islaamiga ahayd ee berigaa ka bilaabatay magaalada Muqdisho. Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Culimo iyo Ducaad badan oo Soomaaliyeed, ayna ka mid ahaayeen Sh. Shariif Cabdinuur, Allaha Xifdiyo, iyo Sh. Cumar Faaruuq Allaha u naxariistee, Waxaana lagu unkay guddi taageera Maxaakimta iyo horumarintooda, oo uu madax u ahaa Sh. Shariif Cabdinuur, Ku xigeenna uu u ahaa Sh. Cumar Faaruuq, Xoghaynna aanu ka ahayn aniga iyo Sh. Muxamed Qasim. Guddigaaso hawla badan ayuu qabtay, wexeyna gogol xaar u ahayd maxaakimtaasu kuwii marxaladii saddexaad ee Maxaakimta 2006, iyo kacdoonkii xididada loogu siibey dagaal oogayaashii Muqdisho.

Sh. Cumar Faaruuq allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u fur furan oo macaan, hadalkiisa aan laga dhergin, Aftahan ah oo afka Soomaalida Eebe u fududeeyey, wuxuu ahaa nin laabtiisu u furantahay waqti kasta oo booqashada loogu yimaado, marar badan ayaan iyadoo aan ballani jirin aan gurigiisa Jiddah, Xaafadda kiiloo 7, ama Gurigiisa kale ee Makka, Xaafadda Malaawi, ugu tegi jirney iyadoo markii loo tegayo wax yar ka hor lala hadlo, waxaana bidhaantiisa sheekha iigu dambaysey Xajkii Sanadkan dhexdiisa iyo Markii laga soo gadoomey, kadibna aan Sucuudiga safar kaga soo baxay. Markaan u tagana wuxuu dhihi jirey: Sh. Maxamad bal ka waran jaaliyadihii, iyo carrigii aad soo martay? Waa sida uu mar kasta ii weydiiyo, Sheekheenna Sh. Shariif Cabdinuur xafidahullaah.

Ayaamahaas u dambeysey ayaan galab weydiiyey: Sheekhaygiiyow Xaaladdii Umadda Soomaaliyeed waad aragtaaye maxaad ku talin lahayd? Wuxuu iigu jawaabey, isagoo ay ka muuqato inuu xaaladda Ummadda aad uga murugaysan yahay kana xunyahay in badan oo saaxada ku jirtaa iney dhegaha ka cufaysatay hadalka Culimada, Wuxuu yiri: "ILAAHOW UMMADDAYDA HANUUNI WAXBA GARAN MAAYAANE".

Ilaahay waxaan Sh. Cumar Faaruuq uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, janaatul firdawsna geliyo, ehelkii iyo awlaadii uu ka tegey iyo Ummadana samir iyo iimaan ka siiyo, Musiibadana Ilaahay ajar naga siiyo, wax ka khayr bandanna noogu bedelo, aamiin..

إنا لله وإنا إليه راجعون


Muxamad Idris Axmed
Capetown
3/3/1432, (8/3/2011)

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 42 guests