First candidate: Professor Mohamed Riirash
Masuul Sare oo u Dhashay Awdal State ayaa Shaciyay Inuu utaganyahay Musharaxa Jagada Madaxwayne nimo ee Maamul Goboledka Awdal State
19/05/2011
masuul sare prof mohamed riirach oo u dhashay awdal state ayaa shaaciyay inuu utagan yahay musharax nimada jagada madax wayne nimo ee maamul goboleedka awdal state masuulkan oo ah aqoonyahan rug cadaa ah ayaa sheegay in hadii aay dadka reer awdal state aay isaga doortaan uu horseedi doono nabad cadalad iyo horumar dhisina doono awood ciidan oo ku filan difaaca qaranimada awdal state masuulkan oo shir jaraa id ku qabtay gurigiisa ayaa sheegay in gobolada awdal state aay yihiin kuwo isufilan hadii aay helaan nidaam maamul oo cadalad ku shaqeeya
mudane mohamed riirach ayaa sheegay inuu utagan yahay musharaxa madaxweyne nimo oo lagu wado sanadkani dhamaad kiisa shir la isugu iman doono magalada london ee cariga ingiriiska in lagu dooran doono madax wayne iyo gole wasiiro oo kooban masuulkani ayaa sheegay in ciidanka uu dhisi doonaa aay noqon doonaan kuwo utagan difaaca amniga iyo horumarka dalka masuulkani ayaa sheegay cidamada qaranku inay sidookale ka shaqayn doonaan waxsoosarka beeraha iyo macdanta si looga kaaftoomo raashin dalku kala soo dago dibada
So far there is only one candidate but in the next few weeks we expect many more who will run to be the President elect of Awdal State inshalah.
http://awdalstate.boonnews.net/?p=6056