Moderators: Moderators, Junior Moderators
One of my favorite Gabays
Sermaa waa ino Hilaacay
Asaga maanta darorayoo, siigadi naga merayoo
Saq dheexo baaynu ahayeene,ee kii so saray cadceedo
Samadaas bu u eekayee, xidigahaa mid la siyoo
Soo ciilki kala guurnay
Bal aan sidu yahay eego ee kana siib kana saar
AUN Suldaan Timacadde
Asaga maaha e waa Sagal a type of rain e.g. MahiigaanOne of my favorite Gabays
Sermaa waa ino Hilaacay
Asaga maanta darorayoo, siigadi naga merayooSaq dheexo baaynu ahayeene,ee kii so saray cadceedo
Samadaas bu u eekayee, xidigahaa mid la siyoo
Soo ciilki kala guurnay
Bal aan sidu yahay eego ee kana siib kana saar
AUN Suldaan Timacadde
stop with this jaale bullshit , can't you leave a dead man alone
Subxaanow waa mahadSibilkeennaan ag joogow
Sibirtiisa istaaga
Nin walbaa sigib beelo
Sarrow taaga gacmaha oo
Sacabka isku garaaca oo
Nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!
_________Kaana Siib, Kanna Saar____________
In dhoweydba waa taan salallay sadarradaydiiye
Ma safaynnin maansooyinkii aan saayidkow helaye
Salku leeye ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede
Subicii dhammaadaba mar baan saari jirey luuqde
Siddo la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere
Labadaba markuu seego wayga surgacantaaye
Aan safeeyo maansada tixdii bay sihatay laabtiiye
Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadoon isku aasiyo
Sabo reer ka fogaanninoo
La ii aamminin soofkiyo
Saacan maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayoo
Suxufiinta dhawaaqdana
Anigowgu sarreeyaye
Haddii aan sixi waayo
Ama aan sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Saamiciinta maqlaysaay
I su’aala hadhowto
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
Marka suurku dhawaaqo’e
La soo saaro makhluuqa
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax
Subciyoo ka dukeeyaye
Sawd kaleetana waa
Soomaaloo calan taagta
Saakay noogu horreysa oo
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynnine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sarimayso naftayda’e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Ka siddeetan sabaan
Calankaannu sugeynnayee
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saqdhexaannu ahaynne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
Xiddigaha mid la siiyow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Saalixiinta Islaamku
Sirta kay ku arkeenow
Saahidiinta Quraanka
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay sahadsheenow
Cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Sankuneefle dhammaanteed
Khalqiga kii u sinnaayee
Mid saaxiib la ahaynow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Kii saaciddada keenayow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sallaankii Istiqlaalkow
Seyruuqii Afrikaadow
Siraadkii na iftiinshaye
Soomaaloo dhan xorreeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Faralka iyo Sunnaha iyo
Wixii diinta ku saabsan
Cad kii na saddexeeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Kii gumeysiga saaraye
Isticmaarkii sumeeyaye
Seedihii kogsanaa iyo
Seetadii naga gooyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Soomaaloo is cunaysa oo
Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey
Kii laydhiisu na saaqday
Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaayee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Nimankii na siraayayee
Waax-waax noo kala saaftaye
Solanaayay cadkeenna
Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray
Kii sadkeenna cunaayay
Sarartiisa ka muuqdaye
Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo
Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo
Mid baabuurka sifeeyiyo
Sagaal booy iyo kuug iyo
Aayad saarta carruurtiyo
Weliba seeska lahaa
Kii sabaanka u laabayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar
Sowjarkaa hubka qaataye
Intuu soodhka ku taagay
U diyaara salaantiyo
Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka
Ka siyaadiya maanta
Sibilkeennaan ag joogow
Sibirtiisa istaaga
Nin walbaa sigib beelo
Sarrow taaga gacmaha oo
Sacabka isku garaaca oo
Nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!
Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: Bing [Bot] and 33 guests