ABWAAN HADRAAWI:
"Adduunka waxaan ugu
jeclahay Wajirka iyo
Midnimada Soomaaliya"
Arbaco, September 28, 2011 (HOL) —
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame
(Hadraawi) oo ka mid ah guddi ay
Somaliland u soo dirtay Muqdisho si ay
gargaar u gaarsiiyaan dadka abaaruhu
saameyeen ayaa sheegay inuu aad u
jelaan lahaa Soomaaliya oo wadajirka
Soomaaliya iyo midnamadeeda.
Abwaanka oo la hadlayay Radio
Muqdisho oo ku hadka afka DKMG ah
ee Soomaaliya kaddib markii uu ku
laabtay Hargeysa ayuu sheegay inuu
aad uga damqaday dhibka ka taagan
Muqdisho iyo gobollada kale ee ku
dhowdhow, isagoo ALLE ka baryay
Soomaalida inuu dhibka ka dul-qaado .
"Anigu waxaan adduunka ugu jeclahay
wadajirka iyo midnimada Soomaaliya,
balse waxaa loo baahan yahay in la
helo wixii lagu wada-joogi lahaa ama
lagu midoobi lahaa," ayuu yiri abwaan
Hadraawi mar uu ka hadlay sida uu u
arko gooni-isku -taagga Somaliland.
Hadalka Abwaanka ayaa imaanaya
iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo
wareysi siinayay BBC-da shalay uu
sheegay in Somaliland ay ka mid tahay
Soomaaliya, ayna u aqoonsan yihiin
maamul la mid ah Puntland isla
markaana ay rajeynayaan inay la
hadlaan.
Mar uu Abwaan Hadraawi ka hadlay
imaanshihiisa Muqdisho ayuu sheegay
inay u tahay mid farxadeed, balse
wuxuu sheegay inay tahay mid xusuus
weyn u leh isaga qiimo badanna ugu
fadhida, balse muuqaalkeeda hadda uu
yahay mid uu aad uga naxay kana
duwan sidii uu ku arki jiray.
"Shacabka Muqdisho aad ayaan uga
mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay
ii soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigii ila
socday, laakiinse dhibaatada ka taagan
waa mid aad u daran oo qof walba uu
ka damqanayo," ayuu hadalkiisa
raaciyay.
Ugu dambeyn, wuxuu dhinacyada
Soomaalida ugu baaqay inay ka
shaqeeyaan sidii nabadda dalka lagu
soo celin lahaa, isla markaana dhibta
looga bixi lahaa, isagoo ku tilmaamay
dhibaatada haysata dadka abaaruhu
saameyeen mid aan la qiyaasi karin.
Abwaan Maxamed Ibarahim Warsame
(Hadraawi) iyo fannaaniin kale ayaa
waxay socod kusoo mareen magaalada
Muqdisho intii wafdiga reer Somaliland
ay ku sugnaayeen caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho.bi lahaa," ayuu yiri abwaan
Hadraawi mar uu ka hadlay sida uu u
arko gooni-isku -taagga Somaliland.
Hadalka Abwaanka ayaa imaanaya
iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo
wareysi siinayay BBC-da shalay uu
sheegay in Somaliland ay ka mid tahay
Soomaaliya, ayna u aqoonsan yihiin
maamul la mid ah Puntland isla
markaana ay rajeynayaan inay la
hadlaan.
Mar uu Abwaan Hadraawi ka hadlay
imaanshihiisa Muqdisho ayuu sheegay
inay u tahay mid farxadeed, balse
wuxuu sheegay inay tahay mid xusuus
weyn u leh isaga qiimo badanna ugu
fadhida, balse muuqaalkeeda hadda uu
yahay mid uu aad uga naxay kana
duwan sidii uu ku arki jiray.
"Shacabka Muqdisho aad ayaan uga
mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay
ii soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigii ila
socday, laakiinse dhibaatada ka taagan
waa mid aad u daran oo qof walba uu
ka damqanayo," ayuu hadalkiisa
raaciyay.
Ugu dambeyn, wuxuu dhinacyada
Soomaalida ugu baaqay inay ka
shaqeeyaan sidii nabadda dalka lagu
soo celin lahaa, isla markaana dhibta
looga bixi lahaa, isagoo ku tilmaamay
dhibaatada haysata dadka abaaruhu
saameyeen mid aan la qiyaasi karin.
Abwaan Maxamed Ibarahim Warsame
(Hadraawi) iyo fannaaniin kale ayaa
waxay socod kusoo mareen magaalada
Muqdisho intii wafdiga reer Somaliland
ay ku sugnaayeen caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho.