Second Phase Of Somali Conference Opens 9 Dec Garowe
Wejigii labaad ee shirka wada tashiga oo horaanta December ka furmi doono Garowe
Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland ayaa siweyn looga diyaar garoobaya Shirka wada Tashiga Somalida Wajigiisi Labaad oo 9-ka Decembar ka furmi doona halkaasi, Dawlada Puntland ayaa qaar kamid ah Hotelada Casriga ah ee caasimada u diyaarinaysa Marti u imaanaysa.
Caasimada Ayaa laga dareemaya in siweyn looga hadal hayo shirkan iyo qabsoomidiisa waxayna noqotay hadal haynta ugu weyn ee Bulshada reer Garowe oo siweyn u xiisaynaya inay Marti Galiyaan Shir weynaha Umadda Somaliyeed ay iskugu imaanayso.
Bulshada ku nool magaalada Garowe iyo guud ahaan Puntland ayaa aaminsan in arintan ay ku kasbadeen Nabad Galyada iyo kala danbaynta ay goboladooda ka aslaax sadeen.
Isku soo wada duubo shirka wada tashiga qaybtiisa Labaad ayaa Horaan Bishan si rasmiya uga furmaayo Garowe waxaana shirka intiisa ugu badan looga doodi doona sidii somaliya ay uga gudibi lahayd xili Kumeel Gaarka uguna gudbi lahayd dawlad rasmiya sidoo kale waxaa shirkan wax yaabaha looga doodi doono ugu waaweyn Dastuurka dawlada Puntland, Bulshada reer Puntland Gaar’ahaan Reer Garowe oo caan ku ah soo dhawynta Martida ayaa iyagu diyaar garow ugu jira sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Madaxda iyo Martida u imaanaysa.
Xigasho: Caalami.com