Buug uu qoray Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmad oo lagu soo bandhigay magaalada Gothenberg (Sawirro)
Magaalada Gothenburg ayaa hoodo iyo ayaan u yeelatay inay noqoto goobtii ugu horraysay ee daahfurka buugga lagu soo bandhigo maanta oo taarriikhdu tahay 16-12-2011. Kitaabku wuxuu ka xogwarramayaa Taariikh nololeedkii qoraaga Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Waa kitaabkii ugu horreeyey (Intaan ognahay ) ee uu madaxweyne Soomaaliyeed qoro isagoo nool kaddib markii uu xilka toos uga degay. Waa qoraal daahfurayaa oo ifinayaa dhacdooyinkii badnaa ee isdaba-joogga ahaa ee ka socday dalka Soomaaliya lixdankii sano ee ugu dambeeyey (1950-2010).
Waa dhacdooyin uu qoraagu isagu intooda badan goobjoog ka ahaa. Dhacdooyinka buugga ku xusan waxaa ku jira qisooyin badan oo leh murugo iyo tiiraanyo, ciil iyo caro, hoog iyo halaag, jab iyo naaso-beel. Sidoo kale waxaa geeddi socodkaas dheer ee nolosha la socday kuwa badan oo watay faraxad, gallad iyo abaal, nabad iyo naruuro, raynrayn iyo riyaaq.
Cutubyada buuggu ka kooban yahay waxaa laga carrabbaabi karaa:
Korrinkiisii iyo muddadii uu geeljiraha ahaan jiray
Habkii uu ciidanka ugu biiray sannadkii 1950kii
Waxbarashadii ciidanka ee uu dalka iyo dibedda ku soo qaatay
Kaalintii uu ka qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya sannadkii 1964kii, halkaasoo uu ku mutaystay dallacaad iyo billad geesinnimo
Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid iyo cidda tuhunku galay!
Afgembigii Oktoobar 1968 iyo Xabbiskii loo taxaabay Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamad Faarax Caydiid 1969-1975. lix sano oo xukun la’aan ah
Dagaalkii 2aad ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo Cabdullahi Yuusuf Masuul looga dhigay Aag muhiim ahaa
Jabkii laga dhaxlay guuldarradii dagaalkii 1977 iyo qorshe xumadii lagu galay
Asaaskii Jabhadda /SSDF iyo mucaaradii hubaysnaa
Xabbiskii labaad ( lix sano oo kale oo dalka Itoobiya lagu xiray 1985-1991) l
Asaaskii dawlad goboleedka Puntland iyo kaalintii uu ku lahaa
Loolankii doorashadii Madaxweynaha ee lagu qabtay dalka Kenya sannadkii 2004
Dawladihii 1aad iyo 2aad ee TFG:da
Iscasilaadii Madaxweyne Cabdullaahi iyo
Taariikho kale oo aad u tiro badan oo halkan lagu soo koobi karin.
Waa qoraal aan leexleexad iyo duurxul lahayn oo toosh ku ifinayaa arrimo badan oo qarsoodi ahaa. Waa qoraal aan si kale lagaga ciil-lbeeli karin ilaa dhawr goor lagu celceshado oo laga durduurto.
Daahfurka waxaan si wadajir ah u soo abaabulay Shirkadda Scansom Publishers oo buugga soo saartay iyo jaalliyadda Soomalaiyeed ee reer Gothenburg (Puntland Community Organisation).
Furitaanka bernaamajka waxaa bud-dhigay Tomas Marinson oo ah guddoomiye ku xigeenka Degmada Gothenburg. Marinson ayaa aad u soo dhaweeyey daahfurka buugga cusub, wuxuu jaaliyadda ku dhiirrigeliyey in degmadu ay leedahay 24 maktabadood oo dhammaantood buugga loo gudbin doono. Martison oo sidoo kale bishii Abriil isagu furay xafladdii weynayd ee Bandhig buugeedka iyo bandhig dhaqameedka xilligaas la soo qabtay. Wuxuu ballanqaaday in degmadu soo dhaweysnayso arrimaha la xiriira horumarinta dhaqanka oo ay u fidin doonaa hiil iyo hoo mustaqabalka. Wuxuu ku boorriyey in haddii ay jiraan qorayaal cusub ay soo dalbadaan deeq loogu talo galay hawlahaas.
Waxaa kale oo madasha qayb libaax ka qaatay oo soo bandhigay qalabka hiddaha iyo dhaqanka gabdhaha Soomalaiyeed ee jaaliyadda Puntland ee reer Gothenburg.
Madasha waxaa kale oo lagu soo bandhigay suugaan badan iyo faallo laga bixiyey kutubta qaar ka mid. Waxaa si gaar ah looga faallooday Hal-abuurka dumarka oo lagu daabcay buugga la yiraahdo Murti Dumar.
Dhammaan dadkii madasha joogay waxay si wanaagsan u iibsadeen buuggii Halgan iyo Hagardaamo ee uu madaxweyne Cabdullahi Yuusuf soo diyaariyey. Qaar badan waxay nuqullo dheeraad ah u iibiyeen asxaabtooda deggen magaalooyin kale oo talefoonka iska soo daba dirayey si ay ugu iibiyaan nuqulka ay u baahnaayeen oo deggen meelo. Waxay hambalyo iyo bogaadin dadweynihii reer Gothenburg u gudbiyeen madaxweyne Yuusuf oo soo bandhigay qoraal dhaxalgal ah oo ummaddenna u noqonaya kayd qaali ah.
Sidoo kale waxaa bogaadin iyo hambalyo la guddoonsiiyey shirkadda Scansom oo ku guulaysatay soo saariida iyo daabacaadda buuggan iyo buugtii kale ee tirada badnaa ee madasha lagu soo bandhigay. Casho Sharaf gaar ah ayaa martidii ka soo qaybgashay bernaamajka Gothenborg ayaa lagu maamuusay dadkii meelo fogfog uga yimid daahfruka kitaabkan. Waxaa bandhigga 2aad lagu samayn doonaa magaalada Oslo bisha 18-19 Dec. 2011.
Waxaa nasoo gaarsiiyey qoraalkaan iyo sawiradaba
Maxamad Sh. Xasan iyo Cabdullaahi Xasan (Juriile)