Yam Yam Tuutahaa dhaley
Hadaa teyga loo xidhay
Arin waliba taahlehe
Ma tarbiicadiisiyo
Tuurtiyo maroorkuu
Taariikh ka dhigayaa
Aduunyada tus leeyahay
Ma dadkeenan toosee
Tashadee is raacuu
Isna kala tagoodii
Ula soo talaaboo
In la tuuray uu dhacay
Tuhun baaba kaga jira
Mise toobad laawaha
Halka laga taftaafaa
Taawilo u sheegtoo
Tusbixiisa go”ay buu
Mar labaad tax leeyahay.
Ninka tiisu yaabloo
Taganaanta madaxnimo
Wuu ku toobad seegoo
Maba garan tumaatida
Sida loola toogtee
Wali wuxuu toltolayaa
Dhiilkaan todoba jeer
Toorida ku kala jaray
Afartaa tusmeeyoo
Taxayoo dhameeyee
Tu kadaran aan sheegee
Ey baa tukaday shalay
Maroodaa tigaad nacay
Hilib buu la toow yidhi
Aar baa tasbiixsaday
Tincad oodan buu galay
Dacaw baa ku yidhi toos
Shabeel baa la faray taar
Qoolkiyo tinkuu galay
Uma baranin taasiye
Waxaan uga socdaa taa
Dhoodaanka tegay iyo
Midhadh aan temadiyoo
Talallaynta necebaa
Kaftan aan turxaan wadan
Isku tuuri laynoo
Shaxda nala taqaanee
Yamyam baa wax soo tirin
Taladaba kumaan darin.
Qof takooran oo ciyay
U tanaadhintiisuba
Inkastoyna toosnayn
Afar aan ku tuuree
Ninka maad taqaanaan
Tooraduu la kowsaday
Yamyam tuutahaa dhalay
Hadaa tayga loo xidhay
Ka tag oo hadana guur
Taganaha ka faalood
Wixii jiraba taabsii.
Yamyamoo tixdaadii
Adiguba sidaad tidhi
Dhuux tagoogo noqotoo
Umadii wax uma tarin
Intii aanad soo tebin
Murtaan kugu tuhmaayee
Ta”na inaanad garanayn
Taar adaa ku soo diray.
Tuhun reeb jawaabtii
Tana waxay ku leedahay
Awroo talaabadu
Talantaali maahee
Isku toosan wada qaad.
Ibraahim Aw Saleebaan Cilmi (Ibraahim Gadhle)