This is one of careys ciise Kaarshe (Ilaahay janada biyo ha ka waraabiye) saar and am writing it from memory. Never been to school to learn af soomaali other than... snet Madarasatal-af-soomaaliaya
See if it make sense to you and correct it where needed...
here it goes...bismillahir rahmanir rahim.
ga' baa gabay laga gala
gowaan waa lagu kufa
gadiid waa la cuskada
gow waa laga dhaadhaca
ga'dii kale waxaan laha
abaar xooluhu go'een
iyadoo geeli dawarey
gudbanahaan deyrtaa sidin
cirkaasu da'aayey guba
habeen baan reer ka guday
gudcur ay goortu tahay
go'doon weeye caradu
galool foodhyaaye iyo
waxa igu yeedhey galey
libaax bah igu gurxamay
abeensada daamuurkiyo
good iyo gudumo
waraabe i garab ordiyo
gufashada geedka iyo
god dheeraadon galiyo
sidaan guuraha u wadey
jidkii bah kala gudoo
faal baan ga'gaabiyo
guntana ii soo baxayoo
mid waa taan saaray geed
midii kale waan la galay
cabaar goortaan girdamay
hurdana aan siinin ga'na
gadiidki waaga iyo
salaada galac ku tiri
aniga oo gaajo qaboo
gamaanyadu saa'id tahay
fuley baa gadi rogtee
intaan dhuuqsaday guntida
guluf waa taan la kacay
hadhkii oon geesna jirin
hadu soo galay gandaha
geed hoostii baan gabaday
dhuryaala igu gab yiri
go'doon weeyee caradu
ilaa waa guul dare
cabaar anigoon galgalaan
hadi kale waa is gadiyey
waxaan galay galab cara oo
kabtayduna wey gabtoo
ilaashkii baa ka go'ay
gacmaha anigoo ku sida
markaasna aan gaabshay socod
gabalkii baa iigu dhacay
waa ii guurihi labaad
cabaar goortaan girdamay
gufaacadii roobka iyo
geedaha ii soo carfiyoo
naqii waatuu i galay
ilaa waa goodaye
go'ii baan saartay geed
kurtiga warankaan la baxay
dhulkii baan ciid ka guray
god dheeraad aan ka qoday
aniga oon gaadhin wali
caloosheydaan goc'dayyoo
hadii kale wey is gadiyey.