Postby AhlulbaytSoldier » Wed Jun 20, 2012 3:51 am
London: (Sh. M. Network) Kullankaani ayaa waxa uu ka furmayaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo kullankaani ay wada qaadanayaan Xubno ka kala socda dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka gooni isu taagga ee la magacbaxay Somaliland.
Wafdiga matalaya Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumdda C/samad Macallin Max’ud kaasi oo ku sugan Magaalada London xilli shalay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ka amba baxeen Magaalada Nauirobi ee Xarunta dalka Kenya.
Dhinaca kale Wafdi ka socda Somaliland ayaa la sheegayaa in uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulkaasi Max’ed C/laahi Cumar, waxaana labada dhinaca ay dib u bilaabi doonaan wada hadalladii horey loogu hongoobay oo u dhaxeeyay dhinacyadaasi.
Warar ay hoose oo ay helayso Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in dhinacyadaasi si qasab ah ay isugu keentay dowladda Ingiriiska ah, iyadoo sidoo kalena halkaasi ay Xaadir ku ahaan doonaan Xubno ka socda Xukuumadda Ingiriiska oo Koormeeraya wada hadalka u dhaxeeya labada dhinaca.
Wixii kusoo kordhaa kala Shabelle.net Haddii Alle Idmo .
TFG wont recognize Somaliland , and Somaliland wont give in. So these talks are "lets agree to disagree".
Anyways its good move that they are talking after 20 years.