
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakadda Dayniile, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Maxśud ay soo food-saartay xaalad adag oo dhanka siyaasadda ah, kaddib markii maalintii shalay gacanta loo geliyey dhambaal lagagag dalbanayo inuu xilka isaga dago.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay u gudbiyey Xassan Shiikh farriin ka timid dowladaha dhanka dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya oo dalbaday Xassan Shiikh inuu xilka madaxweynenimada Soomaaliya isaga dago, markii haddii uu ku fashilmay isbedeladii laga sugayey dowladdiisa oo ay ugu muhiimsaneyd ammaanka inuu wax ka qabto.
Sida ku xusan qoraalka loo gudbiyey Xassan Shiikh arrimaha lagu eedeynayo dowladda ma ahan oo keliya wax ka qabasho laįanta dhanka ammaanka, waxaa kale oo ka mid ah in xilalka muhiimka ah ee dowladda ay la wareegeen Xisbi diimeedka Damul-Jadiid ee uu Madaxweynuhu ka tirsan yahay, iyadoo aan laga qeybgelin saami wadaaga dowladda dhinacyada kale ee aan ka tirsaneyn xisbiga Damul-jadiid, taasina waxey mugdi gelisay kalsoonidii lagu qabay Xisbiga Madaxweynuhu ka tirsan yahay.
Warar laga helay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Shiikh markii farriinta la soo gaarsiiyey inuu ka dalbaday Ismaaciil Cumar Geelle in arrinta soo dhexgalo, una kala dabqaado isaga iyo dowladaha kale, iyadoo Madaxweynaha iska difaacay eedeymaha loo soo jeediyey.
Lama oga goįanka kama dambeysta ah ee uu arrintan ka qaadan doono Xassan Shiikh, hasse ahaatee waxaa muuqaneysa haddii uu aqbalo soo jeedintaasi inay muujineyso in talada dalka aysan gacanta ugu jirin Soomaalida, ayna Soomaaliya tahay dal ku jira maxmiyad ay kor ka maamulayaan dowlado shisheeye oo isugu jira Yurub & Mareykan, oo ay wakiilo u yihiin Itoobiya & Kenya.
http://dayniilecom.com/abriil14/a%20Abriil104.html