War hada Naga soo gaaray Degmada daarbuduq ee u dhaw magaalada hargeysa,ee
Gobolka Waqooyi Galbeed somaliya Ayaa waxaa ay shegayaan in Koox hubeysan ay bartamaha Degmada daarbuduq ku dileen wiil ka soo laabtay dalka Mareykan oo fasax u yimid degmadaasi.
wiilkaan Ladilay Ayaa waxaa Lagu magacaab jiray Cali Gaab kaas oo Maal mihii danbe lashegay in uu lashqeyn jiray hayad NGO ah oo USAID hoos tagta.
Kooxda Dilka Geysatay oo lashegay in ay bistoolado ku dileen wiilkaan Qurbaawiga ahh ayaa latilmaamay in ay goobta ka baxsadeen.
Degmada daarbuduqe ayaa maalmahan waxaa kajirta xaalad Amni xumo oo aad u korodhay taas oo lagu dilay mudo todobaad gudihiis ilaa 2Nabadoon iyo askar katirsan maamulka somaliland.