700 : oo Soomaali ah oo si xun ugu dac darreysan xabsi ku yaala Sacuudiga.
Ilaa iyo 700 oo Soomaali ah oo isugu jirta haween, rag iyo caruur ayaa ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga halkaas oo ay si xun ugu dac darreysanyihiin.
Mid ka mid ah ragga ku xiran xabsigaasi oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaji oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiga ay xaaladooda nololeed liidato.
Wuxuu tilmaamay in ay isugu jiraan 300 oo dumar ah iyo 300 oo rag ah iyo 100 caruur ah oo laga soo kala xiray magaalooyin ku yaala Sacuudiga oo ay sharci darro ku joogeen.
Axmed ayaa sheegay in dhibaato u badan xanuuno iyo dawo la,aan heysato aawadeed uu ugu dhintay xabsiga dhexdiisa wiil Soomaaliyeed kadib marki uu waayey daryeel caafimaad.
Dadkaan ayaa ka codsaday dowlada Federaalka in ay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa dibna ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
’’Waxaan dowladeena iyo dalkeena uga baahanahay in wax naloo qabto oo ay xabsigan naga saaraan, dadka xanuunsan la daweeyo, isla markaana dib dalkeenii naloogu soo celiyo’’ ayuu yiri Axmed.
Sacuudiga ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo shaqo u tagay halkaas. Dadkaan oo u badan haween waxay ka shaqeeyaan guryaha halka ragana ay qabtaan shaqooyinka muruq maalka ah.
Intooda badan waxay ku joogaan si sharci darra ah waxaana dhacda in howlgalada ay sameeyaan ciidamada ugaarsada dadka sharci darrada wadanka ku jooga ay qabtaan deetanada xabsiyada ku guraan.
http://www.heegan24.net/wararka-maanta/ ... sacuudiga/
If those Somalis were in a peaceful and stable Syria, the Assads would have welcomed and treated them with dignity. Yet, we Somalis are very loyal and we will never abandon our "Sunni brothers". I don't blame the Saudis because after 25 years of anarchy, the young generation are still obsessed with finishing what their fathers started of defeating their tribal foes. We don't want to share our country and no one wants us in their country. Noo wadaa sheekada qabiilka.