Ilaahey dadkiisa iyo duunyadiisa abaarta ku habsatey ha ka qaado.
.............................................................................................................
Dad iyo dugaag haraad dartiis biyo isugu qabsaday gobolka Bakool
Xudur 24 Jan. 06 ( Sh.M.Network) labo qof ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac culus uu soo gaaray, ka dib markii dadkaasi, Daanyeero iyo doofaaro haraadsan ay ku dagaalameen ceel ku yaal deegaanka Yeed ee gobolka Bakool.
Labo qof ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray markii raxan daanyeero ah ay weerar ku soo qaadeen ceel ku yaala deegaanka Yeed ee gobolka Bakool, iyadoo raxan kale oo doofaaro ah oo weerar ku soo qaaday doraad ceelkaasi laga dilay ilaa 21 doofaar.
Weeraraka Doofaarada iyo Daanyeerada ay ku soo qaadeen ceelka ayaa loo aaneynayaa haraad iyo gaajo badan oo ka muuqato duurjoogta, ka dib markii ay qalaleen dhirtii ay daaqi jireen, abaaraha ku dhuftey qeybo ka mid ah K/Somalia owgeed.
Dhowaan ayay aheyd markii tuulada Generaal Jaay oo ka tirsan gobolka J/hoose raxan daanyeero ah oo weerar ku soo qaaday war biyo laga cabo ay dhaawac iyo dhimasho u geeysteen xooolo dhaqato ku nool tuuladaasi.
Abuukar Karyare
Shabelle Media Network, Bakool