Postby Daanyeer » Fri Sep 08, 2006 12:14 pm
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii shalay galab uu Baydhabo ku soo laabtay madaxtooyadiisa loogu geeyey meydadka dad ay isku heyb yihiin oo lagu dilay Bay & Bakool
Baudhabo
Source: dayniile.com
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kadib markii magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kaga soo qeybgalay kulan madaxeed aan loo dhammeyn oo madaxda urur goboleedka IGAD ay halkaasi ku yeesheen, kaasoo lagu goÂ’aamiyey in si deg deg ah ciidamo ka socda IGAD loo geeyo gudaha Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo uu horkacayey raÂ’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay madaxweynaha ayaa markii loo dhaadhiciyey guriga uu ka degan yahay magaalada Baydhaba, waxaa la sheegay in halkaas loogu geeyey meydadka dhowr ruux oo lagu soo kala dilay meelo kala duwan, kuwaasoo ay isku heyb yihiin.
Sida warku sheegayo mid ka mid ah raggan ayaa la sheegay in lagu soo dilay meydkiisana laga keenay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoo heyb ahaana la sheegay inuu ka soo jeedo beesha Dhulbahante oo ka tirsan beelaha Daarood, halka mid kale oo ka soo jeeda beesha Majeerteena lagu soo dilay duleedka magaalada Baydhabo, waxaana loo maleynayaa in dilka dadkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo ka careysan dagaalkii ka dhacay garoonka dayuuradaha.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in labo nin oo ka soo jeeda beesha Mareexaan iyana lagu dilay deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Bakool.
Lama garanayo ilaa hadda cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilalkan lagu ugaarsanayo dadka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay isku heybta yihiin ee ku sugan nawaaxiga gobolada Bay iyo Bakool, hase ahaatee waxaa loo malaynayaa, ayna u badan tahay inay geysteen dad u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle oo ka careysan falkii doraad ciidamada Booliska ee dowladda federaalka oo kaashanaya ilaalada madaxtooyada ay weerarka ugu qaadeen maleeshiyo beeleed ka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo ku sugneyd garoonka dayuuradaha Baydhabo, halkasoo ay ku dileen ilaa 7 ka tirsan maleeshiyadii ku sugneyd halkaasi.
RaÂ’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa ka wada magaalada Baydhabo kulamo iyo shirar uu la leeyahay qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle, isagoo doonaya inuu kala hadlo sidii xiisada ka dhalatay arintaas loo qaboojin lahaa.