Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somalia's Recociliation..FACT ..or...FICTION? !!!!!!!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Somalia's Recociliation..FACT ..or...FICTION? !!!!!!!!!!!!!!

Postby Daanyeer » Tue Sep 05, 2006 8:22 am

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Baay “Maleeshiyada Digil iyo Mirifle maanta waxaa loo laayay hab Daaroodnimo ah, waxaana ka dambeeyay madaxweynaha iyo taliyaha Booliska
Baydhabo




Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Baay Sheekh Cali Macalin Nuunow oo ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo isla markaana dhex martay ciidanka Booliska iyo Maleeshiyooyin Digil iyo Miriflaa ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay abaabuleen taliyaha ciidanka Booliska iyo madaxeynaha si lagu baa biÂ’iyo maleeshiyooyinka Digil iyo Mirifle kuna sugan garoonka.


“Dagaalka waxaa nagu soo qaaday maleeshiyooyin beesha Daarood ah kuna heyba ah C/laahi Yuusuf iyo Cali Madoobe” ayuu yiri Sheekh Cali oo intaa ku daray in ka maamul ahaan ay ka soo horjeedaan iska hor imaadkii maanta ka dhacay garoonka.



Dagaalkii saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha ayaa geestay dhimashada 6- maleeshiyaa iyo dhaawaca ku dhawaad 10- qofood, waxaana dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa nin la oran jiray Ganey oo darawal u ahaa guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo maleeshiyooyinka deegaankuna ay ka qaadan jireen diyaaradaha duulimaadka $200 diyaaradiiba halka qofkii rabaaka ah ay ka qaadan jireen $20.

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Wed Sep 06, 2006 9:57 am

Last Updated Sat, Sep, 02 2006,08:30 am--Mogadishu Somalia
Banaanbax ka dhan ah dowladda oo ka dhacay G/Bakool

Mogadishu 02, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Banaanbax looga soo hiorjeedo xiisadii shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa maanta waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Mudaahiraadkaan oo ah kii ugu weynaa ee ka dhaca degmada Xudur ayaa ah mid looga soo horjeeday dowladda C/laahi Yuusuf, oo lagu eedeeyay in ay ka dambeysay dilkii shalay magaalada Baydhabo loogu geeystay maleeshiyo ka soo jeeda deegaanka.

Boqolaal dad ah oo wata boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ka dhan ah dowladda oo isugu soo baxay fagaaraha ayaa waxa ay ku qeylinayeen " doonimeyno Dowladda, doonimeyno C/laahi Yuusuf iyo ereyo kale oo lidi ku ah dowladda.

Banaanbaxaan ayaa saameyn ku yeeshey isu socodka gaadiidka magaalada iyo ganacsiga, ka dib markii mudaaharaadayaasha ay gubeen taayrada gawaarida.

Sidoo kale Dibaxyo kuwaan la mid ah ayaa waxa ay ka dhaceen degmooyinka Rabduurre iyo Tiyeglow.

Banaanbaxaan ayaa ku soo beegmay, xilli shalay magaalada magaalada Baydhabo ay ka dhaceen iska horimaadyo 6 maleshiyo ah ay ku dileen ciidamada booliska, kuwaasi oo lagu eedeynayo Gen. Cali Madoobe in uu lahaa amarka weerarka lagu qaaday.

Shabelle Media Network Somalia

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Fri Sep 08, 2006 12:14 pm

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii shalay galab uu Baydhabo ku soo laabtay madaxtooyadiisa loogu geeyey meydadka dad ay isku heyb yihiin oo lagu dilay Bay & Bakool
Baudhabo

Source: dayniile.com



Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kadib markii magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kaga soo qeybgalay kulan madaxeed aan loo dhammeyn oo madaxda urur goboleedka IGAD ay halkaasi ku yeesheen, kaasoo lagu goÂ’aamiyey in si deg deg ah ciidamo ka socda IGAD loo geeyo gudaha Soomaaliya.


Madaxweyne Yuusuf iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo uu horkacayey raÂ’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi.


Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay madaxweynaha ayaa markii loo dhaadhiciyey guriga uu ka degan yahay magaalada Baydhaba, waxaa la sheegay in halkaas loogu geeyey meydadka dhowr ruux oo lagu soo kala dilay meelo kala duwan, kuwaasoo ay isku heyb yihiin.


Sida warku sheegayo mid ka mid ah raggan ayaa la sheegay in lagu soo dilay meydkiisana laga keenay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoo heyb ahaana la sheegay inuu ka soo jeedo beesha Dhulbahante oo ka tirsan beelaha Daarood, halka mid kale oo ka soo jeeda beesha Majeerteena lagu soo dilay duleedka magaalada Baydhabo, waxaana loo maleynayaa in dilka dadkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo ka careysan dagaalkii ka dhacay garoonka dayuuradaha.


Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in labo nin oo ka soo jeeda beesha Mareexaan iyana lagu dilay deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobolka Bakool.


Lama garanayo ilaa hadda cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilalkan lagu ugaarsanayo dadka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay isku heybta yihiin ee ku sugan nawaaxiga gobolada Bay iyo Bakool, hase ahaatee waxaa loo malaynayaa, ayna u badan tahay inay geysteen dad u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle oo ka careysan falkii doraad ciidamada Booliska ee dowladda federaalka oo kaashanaya ilaalada madaxtooyada ay weerarka ugu qaadeen maleeshiyo beeleed ka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo ku sugneyd garoonka dayuuradaha Baydhabo, halkasoo ay ku dileen ilaa 7 ka tirsan maleeshiyadii ku sugneyd halkaasi.


RaÂ’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa ka wada magaalada Baydhabo kulamo iyo shirar uu la leeyahay qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle, isagoo doonaya inuu kala hadlo sidii xiisada ka dhalatay arintaas loo qaboojin lahaa.

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Postby *HannaH* » Fri Sep 08, 2006 12:15 pm

Fact, Fiction, or Comedy inaad ku darteyd ahyd

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Wed Oct 18, 2006 3:05 pm

BAYDHABO: C/risaaq Af-guduud: "Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed cidna kama saari karto Baydhabo"
Posted to the Web Oct 17, 13:19


Baydhabo (PP) - Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Af-guduud ayaa daboolka ka qaaday in cid ka saari karta Gen. Cali Madoobe Magaalada Baydhabo aysan jirin oo hadalkaas uu yahay mid riyo ah.

Sarkaalkaan ka tirsan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gen. Cali Madoobe uusan ahayn ruux shibil ah oo iska soo galay Magaalada Baydhabo, balse uu yahay ruux ka tirsan Dowladda Federaalka isla markaana haya jago muhim ah.

"Ma dhacayso in Gen. Cali Madoobe uu ka baxo Magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Dowladda Federaalka ciddii ku haminaysa inuu ka baxana ay riyoonayso" ayuu yiri C/risaaq Af-guduud oo intaas ku daray.

"Dowladda Federaalka waxay saldhig ka dhigatay Baydhabo sannadkan horraantiisii xilligaasna Gen. Cali Madoobe wuxuu ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waana wax lala yaabo in maanta la yiraahdo haka baxo".

Dhanka kale, C/risaaq Af-guduud wuxuu ka dhawaajiyay in dowladda federaalka Soomaliya ay saldhig ka dhigatay Baydhabo isla markaana ruux ka tirsan dowladda aan lagu amri karin inuu ka baxo Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in saraakiisha dowladda aysan la mid ahayn ruux shacab ah oo markii la doono laga eryayo xarunta dowladda.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 36 guests