idinkoo kurtiin qaawan oo meel xun kadalooba.]
- idinkoo kabaaladda sitoo ,kebadda diideeynin
- idinkoo ku soo wada kalaha ,kaba laÂ’aan suuqa
- idinkoo shaqadda kooke iyo kariye aan dhaafin
- idinkoo korshiinkiyo ku nool ,kabarka hoostiisa
- idinkoo kayuu wada galoo,kaar xun wada heeysta
- kasabkiina kacaankii ka dhigay keenadiyo ceeynka]
- kafadaha wuxuu idiin suroo,idin kadeedaaba
- idinkoo kumaankuna ,waxaad koodhi bixisaanba
- guulwade kormeerihi,wuxuu idin karbaashaahi
- labaatan iyo koow sano,markuu idinku keenkeenay
- kutaanyaheey markaan kaa kacshaad igu kabdhoodeene
- kuuliyahoow adoo kuug ah baan ,kooris kuu furaye
- kartidaad hada sheegatana,waa kalmadaheeye
- adoo kaalintaadii wadnaha,kaalka igu gooyay
- waa taan kabcadda kuu diroo,kaamil kaa dhigaye
- kaartadeeydi aan kugu korshoo,kugu karaameeyay
- waxkastoo aan keenaba,markaan kaad kuu geliyay
- kadaabyahoow markaan kuu kufiyay ,kii ku karantiilay
- markaan kiriminaalkiyo qarbigga,kaaga dhigay kaabe
- kelya weeyne ,kareesaha ,markaad ka cayishay oo naaxday
- waxaan kabaliyoow kaa kasbaday,kaadi iyo xaare.
- Maantana gumeeysigii oo kalaad,kiish u sidataaye
- Kaska doqon,kafiil aad ka tahay,waa ku karahdaaye
- Alloow yaa ku dhaho,kaalinkii hoow kac dhabadleeynin
- Koorahiina camar laga jafyeey,koob ma garataane
- Kol hadeey koolkoolintii idin kafeen wayday
- Oo aad kurtiin wada tihiin,kaankariyo Aids
- Kubadiyo ciyaartaan ku baray ,kuudud ma ahayne
- Alloow yaa kistaan idinku kabay, kaliya ii keena?