the ppl of the land of punt will insa'allah be freed, without an single bullet is fired
homser where is the source, cuss when i click on it i see this
NIMCO JAAMAC :FANAANADDA KOWAAD
EE DALKA JABUUTI
Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah Dowladaha Geeska Afrika Ururka
La Magac Baxay(Igad) Waana Dal Yar oo dadkiisuna Kooban Yihiin
Kana Kooban Yihiin Qoomiyadaha-Somaali,Caraf Iyo Carab,Waxeey
Ku Caan-tahay Caasimadda Jabuuti oo ah Marso Badeed ama
dekadda Jabuuti oo Taariikhdi Dheer leh,Dalku wuxuu Xoriyada
Ka Qaaday Gumeeysigii Faransiiska Sanadkii 1977-kii,Waxaa ka
Mid ah Halgamayaashii Ugu Caansanaa Al-Marxuum-Max'ud Xarbi
Naxariistii Jano Alle ha siiyo(Amiin), Madaxweynaha Dalkuna
Waa Xurmadle-Mudane-Ismaciil Cumar Geelle.
Fanaanadda Koowaad ee Dalka Jabuuti Marwo-Nimco Jaamac Waa
Xidig Weyn,Fanaanad Door ku leh,Maqaam Gaar ah kaga Jirta
Hanaanka iyo Habsamida fanka Dalkeeda,Magac weyn ku leh Dalka
Jabuuti iyo Somaaliya,Mudo Dheerna ku Soo Dhex jirtay Qeybaha
Faneed ee Dalkaas Xiligii Gumeeysiga,Halgankii Xoriyada iyo
Madax Banaanidaba,Heeso aad iyo aad u Badan oo Qiimo weyn leh
ayaa ku Luuqeeysa oo Xiisahooda leh,Kuwa Debaxsan Jaceylka iyo
Kuwa leh Qiirada Wadaniyadeedba Waxaa ka mid ah Tusaalle
Ahaan:-
-Amaah.
-Dibnaha,Aduunyadan Rubucu Haray,Inteedi Badneyd La Rogay.
-Geesi-
-MeelGog.
-Naxariis.
-Qomaameyn.waxaana Ereyadeeda ka mid ah:-
(Inta aan Gaareeyn Gacanteeydu Meel Sarre,Gacanteeydu Meel Sarre,Ciil Ugu Gaboobiyo Godobtaan Tirsanayona Cidii ii
Gareebeeyn,Taladeeydu Geel Dheer Ha Saaraato Guudkii,Anigana
garaadkii Indhaa La Geliyeey,Ogoobeey Gobaadeey Waa Lagugu
Gaabshee Mid Gar-gaar ah ha ii tarin,Waa Ereyo Qiiro weyn
Leh Micne Siyaasadeed iyo Xikmad Wadaniyadeed Xambaarsan).
Heesaha Nimco ayaa ku Caan Qiirada wadaniyadeed iyo Habka
Dal Jaceylka ah,kuna Dhirii Gelisa Dadweynaha Illaalinta iyo
u Adeegida Danaha guud iyo Maslaxada Qarameed,Illaalinta iyo
Xeerinta Xiriirka Ummada ka Dhexeeya,Waana Sifooyin laga Heli
karo in yar oo Xadidan Dadyoowga Dunida Jooga Maanta,waxaana
Laga Dhadhasan karaa Heesaheeda Murtidda Weyn leh,Hadii aan Tusaale kalle ka Soo Qaato Heesaha Fanaanada Weyn Waxaa ka
Mid ah Kuwan:-
-Rucub.
-Buurtayada Beeraha u Dheer.
-Caashaqii Sanodo Badan.
-Hadeey Dumarku Fooshaan.
-Daadeheeye.
-Waa Barasho Dunidiye.
-Qalbigu Waa Meel Quree.
-Caashaqa,Iyo Heeso Kalle oo Fara Badan oo Xiisahooda leh.
Fanaanad Weyn,Xidigta Caanka waxeey Hadda Degan-tahay
Dalkeenii Dibadiisa oo eey Qaxooti u Tahay,Wana Waxyaabaha
Ayaan Darada ah,Waxeey Mudan Tahay in si Xurmeeysan,Habkiisa
Maamus leh in eey ugu Noolaato Dalkeeda Hooyo,Ciida Qaaliga
ah,eeyna ka mid ahaato Shakhsiyaad Mudan Xeeranta Gaarka,
Weey Dhici Kartaa in eey Hanatay Abaal-mirino Iyo Bilado
Lagu Xurmeeyeey Munaasabado Qarameedyo,Laakiin Marna Suurta
gal Ma Noqon Kareeyso in eey Maanta Qaxooti Ahaato-Xidigta
Weyn,Wadaniyada Koowaad,Geesiya ku Sifoowday Dal Jaceylka iyo
Xumaan Diidnimadda-Nimco Jamaac Salaan Xurmadeeda leh Iyo
Qadarin Weyn Iga Gudoon Marwo,Waxaan Maqaalkan Ku Xusaayaa
Marwo-Jowhara Cabdi Faarax(Jamiilla) oo Hadiyad ii Siisay
Cajalado Heesaha Fanaanada Nimco oo aad u Wanaagsan,Weeyna ku
Mahadsan-tahay,Abaalkuna Meeshiisa,Xurmao Iyo qadarin Weyna
aad Mudan Tahay Jamiillo,Nimco-na Fanaanad Qaran.
Fanaanada ayaa Bandhig Faneed ka Dhigeeysa Dalkan Uk
England 27/10/2006 wwaxeey ka dhigeeysaa Birmingham oo ah
Magaalo Jaaliyada Somaaliyeed ku badan tahay, iyadoo eey
Weliyaan Fanaan Caan ah Sida:- Nimco Yaasiin, A/Raxmaan
Xanateeye, Jooqle, Fadumo Shaxshlay Iyo AJ,Faahfaahinta
Kala Xiriira:-
-Abdullahi Negeria-//Fay Xamnad-07888629-802.
-Faysal Bixidle-07944-069-246.
-Saamiya Balal-07932-590-909.
-Shax-shaxley-07956-282-945.
-A/Qaadir AJ-07904-591-653.
-Fanka Iyo Fanaanka-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-04/10/2006-
-sharifhassan50@yahoo.com-