Muqdisho: Maxkamadaha Muqdisho oo sheegay in Maddaarka Muqdisho uusan ka socon doonin Baasaboorka Cusub ee DFku ay soo saartay.
Khamiis, November 09, 2006
Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa maanta soo saaray diidmo ku aaddan in la baddalo baasaboorka qaddiimiga ah ee Soomaaliya.
Maxkamadaha ayaa sheegay in baasaboorkan cusub ee dawladdu soo saartay uu adkaynayo socdaalka, haddii lagu baddalo kii hore.
Baasaboorka hore ee dalka Soomaaliya ayaa caalamka oo dhan laga diiday marka laga reebo dhowr dal oo wali aamminsan xiriirka Soomaaliya, waxaana dawladdu ay qorshaysay inay soo saarto baasaboor baddala kii sida sahlan lagu heli jiray.
Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa baasaboorka Soomaaliya si sahlan looga sooqaataa, ayadoo xataa dadka ajnabiga ah ee ay dadka Soomaalida kala muuqaal fogyihiin ay qaateen, sanadihii lasoo dhaafay.
Sargaal maxkamadaha ka tirsan oo lagu magacaabo Sheekh C/raxiin Muuddeey ayaa sheegay in maxkamaduhu aysan aqoonsan doonin baasaboorkaasi, agtoodana uusan kasocon doonin, gaar ahaan garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
Wuxuu sargakan sheegay inay habboontahay in dawladdu ay sugto inta ay dhammaanayaan wada hadallada dib u heshiisiinta ee Socda.
Dawladda Federaalka ayaa sanadkii ugu danbeeyay ku hawlanayd inay soo saarto baasaboor aan si sahlan loo bad badali karin, waxayna ku guulaystay inay baasaboorkaasi daabacdo.
CCC Farayaamo
AllPuntland