Awooddii maxkamadaha oo wiiqantay kuna sii urureysa Muqdisho
TopStoryMuqdisho: Wararka ka imanaya aagagii ay dagaalladu ka socdeen maalmihii ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in maxkamadaha midoobey la sifeeyey
gobollo muhiim ah sida Mudug iyo Hiiraan iyadoo gobolka Baayna uu u dhowyahay in ay dawladda federaalka Soomaaliya ay gacanta si buuxda ugu wada dhigto.
Deegaanka Iidaale ayaa waxaa ka baxay ama looga awood roonaaday maxkamadaha waxana ay habeenkii xalay ay sidoo kale isaga carareen degmada Buur Xakaba oo fariisin muhiim ah u ahayd.
Dhinaca gobollada Dhexena ciidamada difaaca gobolka Mudug ee isbahaysiga gacana ka helaya dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ay ku sii dhowyihiin magaalada Dhusa Mareeb ee xarunta gobolka Mudug kadib markii laga sifeeyey degmooyin door ah oo ku teedsanaa laamiga gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Dhinaca degmada Buula Burte ayaa la sheegaya in ay maxkamaduhu ay haatan baxeen iyaga oo ku sii jeeda magaalada Jawhar.
Marka inahaas oo dhan la isku daro ayaa tani ay ka dhigan tahay in awooddi maxkamadaha iyo isballaarintoodii si weyn cagta loo mariyey iyaga oo iminka u muuqda in ay dib ugu guranayaan fariisinkooda weyn ee magaalada Muqdisho