Dayuuradaha Maraykanka oo dukheeyay Soomaaliya
Posted on Thursday, January 25 @ 07:21:01 EST by editor
Onkod News, 25/01/2007: Maraykanka ayaa sheegay in uu markale weerar cirka ah ku qaaday Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay in uu aaminsanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan Kooxo Aragagixiso ah oo loo haysto in ay ka danbeeyeen weerarkii lagu qaaday xilli maraykanku uu ka dhawaajiyay in loo baahanyahay in Midawgii Maxaakiimta laga qaybgaliyo Dawladda Kumeel gaarka oo dib u heshiisiintana lasii xoojiyo.
Weerarkan cusub waxaa uu kusoo beegmayaa labo todobaad kadib markii Dayuuradaha AC-130 ay dukheyn ka gaysteen Soomaaliya oo USA ay aaminsantahay in lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan Alqaacida.
Maraykanku waxaa uu aaminsanyahay in Midawgii Maxaakiimtu ay hoy siinayeen xubno xiriir la leh Alqaacida.
Onkod News.
http://www.onkod.net/modules.php?name=N ... e&sid=2108