Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

WEB SITE FOR GUURDOON

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

WEB SITE FOR GUURDOON

Postby COSTA » Thu Mar 08, 2007 3:23 pm


User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby COSTA » Thu Mar 08, 2007 3:24 pm

inforamtion to all siigeestayaasha both men and women

(SEEGADA)

WAA MAXAY SEEGADU?

Qofka seegaysanayaa ma rabo inuu qof kale rabitaankiisa kaga dhergo, balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biyabbaxaya). Caadada seegaysiga rag iyo dumarba waa lagu arkaa, kumana koobna ragga oo qura sida ay dad badani u haystaan.

QAABABKA SEEGADA

1- Seegada maskaxda: Waa qofka oo biyabbaxa isagoon isticmaalin wax uu ku kacsado. Dadka aadka u dareenka fududi kolka ay ku fekeraan xubnaha taranka qof ay jecelyihiin ama ay akhriyaan qoraallo jacayl amaba ay daawadaan sawirro kiciya dareenkooda, iyagoo macaansanaya bay isku biyabbaxaan. Dumarka kuwooda aadka u kacsiga dhowi intay labada cajar isku dhejiyaan ama ay dhaqdhaqaajiyaan murqaha cambarka, bay sidaa ku biyabbaxaan.

2- Seegada gacanta: Waa qofka oo gacantiisa ku cayaarsiiya amaba gacan kale looga cayaarsiiyo xubinta taranka ilaa uu ka gaaro heer biyabbax.

3- Ku seegaysiga waxyaabo kale: Waxa jira waxyaabo fara badan oo u eg xubnaha taranka kuwaasi oo uu qofku ku seegaysan karo, shucuubta dunida intooda badanina waa ay garanayaan waxyaabahaasi. Waxa jira shucuubta qaar intay dhistaan taallo ka dhigan nin taagan oo geedkiisu kacsan yahay, dabeeto u sameeya xaflado Diini ah iyaga oo taalladaasi u isticmaalaya bekra-jebinta hablaha qaangaaray, dabeetana kolka ay xafladdaasi dhammaato inta taalladaasi la qaado la dhigo meel loogu talagalay, si dumarka laga dhintay ay ugu seegaystaan. Ha yeeshee farsamada casriga ahi waxay ina bartay sidii loo sameyn lahaa geed dad-samee ah, aadna ugu eg geedka dabiiciga ah ee ragga, laguna magacaabo (Stap-on-cock), kaasi ooy dumarku ku seegaystaan.

Dumarka qaar doonaya inay seegaystaan ayaa waxa dhacda inay xubintooda taranka geliyaan waxyaabo yaab leh, iyaga oon ka fekerin dhibaatooyinka ay waxyaabahaasi u geeysan karaan. Waxa dhacda in dumarka qaar isgeliyaan qalab dhumuc weyn oo dhaawacyo u geeysta, si loo soo saaraana mararka qaar u baahato dhakhtar iyo qalliin. Dumarka qaar baa isgeliya cirbado, musmaarro, qalmaan, maxaarro, iwm., qalabkaasi oo si sahal ah ugu gudbi kara kaadi haysta, dabeetana keeni kara dhaawac halis ah.

MAXAA KEENA SEEGAYSIGA?

1 Sababaha keena seegaysiga waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weyso inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata intuu waayo, gacmahiida biyaha isaga saaraa. Seegaysiga caynkaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka ka fog jinsiga kale sida; ardayda dhigata kulleejooyinka (Boarding Schools), cusbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, dumarka aan la guursan, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.

2- Waxa kale oo seegaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado. Waxa kale oo dhacda in qofku uu ka dido urta qofka kale, taasi oo keenta nacayb uu u qabo jinsiga kale sidaasina uu ku seegaysto.

3- Waxa dhacda in ragga qaar kolka ay u galmoonayaan haweenkooda ay si degdeg ah u biyabbaxaan, dumarkoodii oon weli gaarin heer biyabbax, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay seegaystaan.

4- Seegaysiga carruurta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa kamid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo uu si lama filaan ah u kaco geedkii, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadeysto seegaysiga.

5- Waxa kale oo ay da' yartu seegaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu seegaysigana uga bartaa.

Tira koobyo la sameeyay waxay caddeeyeen in ragga seegaysta ay gaarayaan 69-100%, iyaga oo raggu inta badan soo mara marxalad noloshooda kamid ah oo ay ku seegaystaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa da'da 13-20 jirka. Sababaha keena in uu seegaysigu da'daasi ku badnaado waxa weeye; kacsiga oo xilligaasi aad u daran (da' kacsi labbood), xishood iyo shukaansi aqoon la'aan, iyo weliba dhallinyarada oo intooda badani ay guur la'aan joogaan. Guud ahaan dhallinyaradu waxay seegaysiga iska daayaan kolka ay billaabaan galmo caadi ah.

Hablaha iyaga boqolkiiba inta seegaysataa waay kayar yihiin wiilasha, sababahaan soo socda awgood:-

1- Shahwada oo aan hablaha u gubin sida ay wiilasha u gubto.

2- Xubnahooda taranka oo ku jira meel qarsoon, dhifna ay tahay inay la kulmaan wax taataabta oo kiciya dareenkooda, iyada oo lawada ogsoonyahay in kacsigu uu yahay sababta tooska ah ee keenta seegaysiga.

3- Iyaga oo aanu dhibaato ku hayn isku biyabbax habeen, kol haddaanay aqoon riyo habeen oo gaarsiisa heer biyabbax, waase haddii aan la istiimin intaanay seexan kahor.

4- Rabitaanka jinsiyeed ee raggu waxa uu ku kooban yahay xubnaha taranka, oo kolka uu kacsadaba waxa uu doonayaa inuu galmo sameeyo, ha yeeshee rabitaanka dumarku waxa uu isugu jiraa mid xubin taran iyo mid nafsiyadeed. Waxa ay habluhu helaan raaxooyin kale oo ay kaga maarmaan tan biyabbaxa sida; jacaylka, akhrinta sheekooyinka iyo riwaayadaha jacayl, xafladaha, shineemooyinka, jimicsiga, daryeelka jirkooda, qoob-ka-cayaarka, iwm.

Waxa la caddeeyay in casrigaan cusub dumarka seegaystaa aanay ka yarayn 50%, meelaha qaarna ayba gaaraan 70-90%. Dumarka caynkaasi ahi waxay u badan yihiin kuwa aan weli bislaan iyo kuwa qaba qabow jinsiyeed (ereygaasi oo sida caadiga ah loogu yeero dumarka aan galmada ku raaxaysan).

Anigu - qof ahaan - shaki weyn baan ka qabaa in hablaha Soomaaliyeed ama badankoodu ay Seegaysi garanayaan, waxanan taa sabab uga dhigayaa gudniinka Fircooniga ah.

1-DHIBAATOOYINKA SEEGADA

1- Haddii qofku uu u barto inuu ku kacsado oo ku biyabbaxo gacantiisa, waxa mustaqbalka ku adkaanaysa in istiiminta kaga timaada gacalkiisa uu ka helo kacsi u dhigma kii uu ka heli jiray gacantiisa.

2- Seegadu ma keento haqab-beelka dhabta ah ee ay keento galmada cadiga ahi, iyada oo galmadu aanay ku koobnayn oo qura xubnaha taranka sida seegaysiga, balse tahay kulan nafsiyeed iyo mid jinsiyeed oo dhexmara labada isjecel, sidaasina qaybaha jirka oo dhami ay kaga qayb qaataan raaxada ka dhalata kulankaasi.

3- Waqtiga galmada waxa maskaxda qofka ka buuxa istiin iyo raaxo macaan, hase yeeshee qofka seegaysanayaa si uu ku helo istiin waxa uu u baahan yahay inuu ku fekero waxyaabo dhib ku ah maskaxdiisa, kuwaasi oo keena daal iyo dhibaato maskaxeed.

4- Galmada caadiga ahi kolka ay dhacdo (gaar ahaan tan ka dhalata guurka), lagama qaado wax aan ka ahayn raaxo iyo raynrayn, ha yeeshee qofka seegaystaa kolka uu kacsado waxa uu illaawaa in uu sameynayo amaba sameyn doono wax sharci darro ah, laakiinse kolka uu biyabbaxo ayuun buu indhaha kala furaa oo ku baraarugaa foolxumada waxa uu sameeyay iyo inuu keligii isku raaxeystay, aysanna la joogin - sida uu maskaxda gashaday gabar qurux badan oo uu jecel yahay, sidaasi bayna murugo ugu dhalataa. Qofka caynkaasi ah waxa uu dareenkiisa dembi iyo murugo kordhaa kolka uu dadka ka maqlo in seegadu ay tahay wax keena dembi aanu Eebbe cafin iyo cudurro maskaxda wax u dhima, sidaasi bayna qofkaasi ugu dhalataa murugo joogta ah, xaasidnimo iyo damiir la'aani.

5- Galmada tooska ahi waxay u baahan tahay laba qof, waqti iyo meel ku habboon si ay u hirgasho, halka seegadu ay ka dhici karto waqti kasta oo qofka seegaysanayaa uu doono, sidaasina dadka qaar iskaga badbadiyaan, taasi oo dhibaato ku keenta jirka iyo maskaxda labadaba.

6- Waxay keentaa xiniinyaha iyo qanjirka Borostaatka oo barara, mar hadduusan qofku biyihii galay xiniinyaha galmo buuxda isaga saarayn, oo kolba markuu seegaysto qaar ku harayaan.

7- Waxa ay keentaa geedka ninka oo jilca ooy tabardarri ku timaado, gabadhiisana galmo buuxda la gudan waaya, dabeetana guurkii cusbaa furriin ku gebageboobo.

8- Waxa ay keentaa ninka oo degdeg u biyabbaxa, gaarsiina waaya intay xaaskiisu gariir ka gaarto, halkaana guurkii ku fashilmo.

9- Habluhu mararka qaar way ku bekra-jabaan seegada. Gabadha muddada dheer seegaysanaysay, caadana ka dhigatay, waxa laga yaabaa inayba ku raaxaysan weydo galmada ay gacalkeeda la wadaagto, taasi oo iyana keenta guurkii oo burbura.

10- Waxa ay qofka tirtaa laab furnaanta, bashaashnimada, iyo awooddiisa shaqo, haddii uu iska badbadiyana waxay dhaawacdaa qanjirrada iyo xididdada maskaxda.

Fiiro Gaar ah: Isku biyabbaxa habeenkii qofka kuma keeno tamar darri, maadaama aanay qanjirradiisa taranku daallayn, waxayna awoodaan inay hal jeer habeenkii biyo tuuraan, saana ku wadaan muddo soddon sanadood ah. Ninka caafimaadka qabaa waxa uu galmo samayn karaa 2-3 jeer usbuucii, isaga oon wax dhibaato ahi gaarin, ha yeeshee dadka qaarkii oo 3-10 jeer malintii seegaysta waxay sameeyaan khalad weyn, falkoodaasina wuxuu keenaa tamardarri iyo caajis ku yimaada xubnaha taranka iyo habdhiska maskaxda. Xubnaha taranku haddii ay helaan waqti nasasho ku filan waa ay kasoo kaban karaan dhibaatooyinka ka dhasha seegaysiga faraha badan, haddiise uu qofku joogteeyo seegaysiga, waxay markaasi u dhow dahay in uu dhaawac ku yimaado walxaha jirka ee firfircooneeya qanjirrada iyo xididdada maskaxda, xididdadaasi oo haddii ay dhintaan aanay suuragal ahayn inay mar labaad awood u yeeshaan inay gutaan shaqadoodii caadiga ahayd.

2-SIDEE LA'ISAGA GOOYAA SEEGADA

1- Inuu qofku guursado, hadduuba awoodo. Waalidka dhalay dhallinyaro (lab iyo dheddig) qaangaadhay, waa inaanay guurkooda ku xirin shuruudo iyo xujooyin aan laga bixi karin, taasi oo markaasi keenaysa in dhallintay dhaleen iyo kuway u dhixi lahaayeen labaduba quus iyo qalbijab qaadaan, sidaana Shaydaan isugu dhiibaan ooy xaaraan ama seego dhexgalaan.

2- Inaanu qofku iska badin cunitaanka iyo cabitaanka, taasi oo markaasi keenaysa kacsi iyo rabitaan jinsiyeed, waana sababta uu Rasuulku (SCW) u faray qofkaan guur awoodini inuu soomo.

3- Inuu qofku ka fogaado waxyaabaha hiyigiisa kicinaya sida; Buugaagta, Sawirrada iyo Aflaanta qaaqaawan.

4- Qofkii qurux uu qalbigiisa ugu raaxeeyo raadinayaa waa inuu daawadaa dhirta cagaaran, ubaxa, badaha iyo quruxda dabiiciga ah ee Eebbe dunidan ugu deeqay.

5- In qofku doorto saaxiibbo wanwanaagsan, dhowrsan, hanuunsan, diintana ku dhaqma.

6- In qofku qalbigiisa ku mashquuliyo shaqo, waxbarasho, cibaado iyo Alle ka cabsi oo uusan marnaba nafta fursad usiin inay ku fekerto wax aan habboonayn.

7- In aanu qofku ku seexan gogol raaxa leh cuud iyo cattarna lagu shiday, oo xusuusida galmo iyo gacal la baashaal.

8- Inaanu qaadan dharka aadka u jilicsan, iskuna shubin barafuunnada dareenka kiciya.

9- Inuu ka fogaado isdhexgalka ragga iyo dumarka, gaar ahaan dadyowga aan cowradooda dedan, dareenka dadka kalena aan u aabayeelin.

10- Inaanu seexan isagoon hurdaysnayn, si ayan maskaxdiisu u raadin wax ay ku fekerto oo uu ugu horreeyo lammaane uu la baashaalo.

11- Inaanu kolka uu seexanayo caloosha u jiifan, si aanay xubintiisa taranku ugu lismin firaashka ka hooseeya, sidaana ugu macaansan oo ugu kacsan.

12- Inuu kaadihaysta faaruqiyo (kaadiyo) mar kasta ooy kaadiyi qabato, gaar ahaan aroortii kolka uu hurdada ka tooso.

SEEGADA IYO DIINTA ISLAAMKA

Eebbe Subxaanahu Watacaale waxa uu Aayadaha Qur'aanka ku leeyahay:

(kuwa xubnohooda taran dhowra. Aan ka ahayn xaasaskooda iyo addoomadooda ayagu eed ma laha. dadkiise intaa kadib wax ka doonaa way xad gudbeen. Suurat Al Mu'minuun: 5-7).

Aayadahaa Qur'aanka ah waxa kaaga iftiimaya in ruuxii macaan iyo raaxo ku doona hab aan galmo xalaal ah ahayni uu xadkii Eebbe gudbay.

Rasuulkeenna suubban Muxammad (SCW) waxa laga weriyey Xadiis uu ku yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee). Xadiiska waxa soo saaray Muslim iyo Bukhaari.

Haddaba hadduu Rasuulku (SCW) ogyahay faa'iido ay caadada sirta ah (Seego) leedahay, dhallinyarada ayuu ku boorrin lahaa, waxase uu koodii awood (Meher, Marasho iyo Masruuf) heli kara, ku boorriyey inuu guursado, kaan awoodinna inuu shahwada isaga jebiyo qaab cibaado ah (Soon) ajarna ka helayo, dhibaatadii shahwadana iskaga reebayo.

Culimada diinta Islaamka intoodii badnayd way xaaraantinimeeyeen Seegada (Caadada sirta ah). Mad-habadaha Shaaficiya, Maalikiya iyo Xanbaliya intuba way xaaraantinimeeyeen iyagoo u daliishanaya Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay ee Suurat Al-Mu'minuun ku jira. Madhabta Xanafiya, iyadu waxay leedahay Seegadu assal ahaan waa xaaraan, waxayse ku bannaanaan kartaa saddex shardi haddii si wadajir ah loo helo:

1- In uusan ninku naag qabin.

2- Inuu isaga baqayo xaaraan (Sino) uu ku dhaco haddaanu seegaysan. Taasi oo diinta loogu yeero: "Laba daran tii dembi yar dooro".

3- In uusan ula jeedin inuu ku raaxaysto, balse ula jeedo inuu shahwada isaga jebiyo.

Haddaba Seegadu guud ahaan diinta Islaamka waa ku xaaraan, maadaama aanay ahayn qaabkii dabiiciga ahaa ee uu Eebbe ugu talagalay in shahwada la'isaga shubo, balse ay tahay wadiiqo weecsan, qofkana waxay barto waxay baddaa uga daran, hadduu mar qofku qabatimana siduu naftiisa u qabto oo isaga gooyaa ay adagtahay.

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby *HannaH* » Thu Mar 08, 2007 3:24 pm

Hahahahah WTF

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby COSTA » Thu Mar 08, 2007 3:27 pm

you can become a member for free maybe he is there just waiting you

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby *HannaH* » Thu Mar 08, 2007 3:29 pm

Ma adigo oo kale ayaan ka doontaa?
No thanks eebow.



Loool@ "...balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biyabbaxaya) "


Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby COSTA » Thu Mar 08, 2007 3:32 pm

What about this one

9- Habluhu mararka qaar way ku bekra-jabaan seegada. Gabadha muddada dheer seegaysanaysay, caadana ka dhigatay, waxa laga yaabaa inayba ku raaxaysan weydo galmada ay gacalkeeda la wadaagto, taasi oo iyana keenta guurkii oo burbura. Laughing Laughing Laughing

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby *HannaH* » Thu Mar 08, 2007 3:34 pm

Loooooool@ Number 9..

Kuwan eeg..........


2- Waxa kale oo seegaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto...



LOL@Galmada.


And this one...


5- Waxa kale oo ay da' yartu seegaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu seegaysigana uga bartaa.



Siigo out of peer pressure? Loooooooool


Walaahi this is the funniest thing I've read in a long, long time.
Thanks Laughing Laughing Laughing

User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby Ina Baxar » Thu Mar 08, 2007 3:35 pm

War mid bay ka ilaaween list-kan

2-SIDEE LA'ISAGA GOOYAA SEEGADA
13: Waa inu marku qofku maydhanayo , biyaha kulul iska xidho oo biyo baraf ah ku maydha.

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby LiQaaye_TDH » Thu Mar 08, 2007 3:36 pm

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

I Actually read half of that bloody esay Laughing Laughing

this bit made me crack up: Waxa dhacda in dumarka qaar isgeliyaan qalab dhumuc weyn oo dhaawacyo u geeysta, si loo soo saaraana mararka qaar u baahato dhakhtar iyo qalliin

Laughing Laughing Laughing

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby COSTA » Thu Mar 08, 2007 3:38 pm

LOOOL@DHUMUC WEYN

QOFTII WAXAAS ISTICMAASHA FAARAXEE QABAN KARA Laughing

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby *HannaH* » Thu Mar 08, 2007 3:38 pm

"Anigu - qof ahaan - shaki weyn baan ka qabaa in hablaha Soomaaliyeed ama badankoodu ay Seegaysi garanayaan, waxanan taa sabab uga dhigayaa gudniinka Fircooniga ah."




Loool...Walle this guy is a joker. Laughing Laughing Laughing

User avatar
ORGEONES
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1198
Joined: Mon Feb 26, 2007 2:57 pm
Location: Loading....................

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby ORGEONES » Thu Mar 08, 2007 3:42 pm

***REASONS WHY MASTERBATION IS BETTER THAN REAL SEX***




* You don't have to look your best.

* You never have to say "I love you", promise to mow the lawn, buy flowers/dinner, lie about the size of your hand's, etc.

* If you use your other hand it feels like someone else.

* You can use both hands and have and orgy.

* You don't have to promise to call in the morning.

* As long as you're careful you'll never end up with the wet spot.

* You can make it last for hours, if you do it a certain way.

* You can do it wherever there is a public toilet which has a private cubical.

* You don't need to make an appointment in advance.

* It doesn't really make you go blind, not unless your hand slides off the end and you poke yourself in the eye.

* It's cheaper...you don't have to use those pesky condoms

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby LiQaaye_TDH » Thu Mar 08, 2007 3:43 pm

[quote="COSTA"]LOOOL@DHUMUC WEYN

QOFTII WAXAAS ISTICMAASHA FAARAXEE QABAN KARA Laughing[/quote]

i swear im still laughing at that shid, Dhumuc weyn Laughing

mar mar waxa dhacda inay liin macaan is geliyaan, oo ay ku dhex baxsato. Laughing

thats what he means by wax dhumuc weyn kolay.....

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby LiQaaye_TDH » Thu Mar 08, 2007 6:10 pm

Laughing Laughing Laughing

User avatar
Nabeelah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1619
Joined: Sun Feb 04, 2007 7:17 pm

Re: WEB SITE FOR GUURDOON

Postby Nabeelah » Thu Mar 08, 2007 6:16 pm

Looool@this thread.

Interesting.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 93 guests