Iska horimaad ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyo ah ku dhex maray duleedka Kismaayo.
Mogadishu - 14-March-2007-Allceeldheer.com Iska horimaad hubeysan ayaa shalay ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyo ah ku dhex maray deegaanka Janaay Cabdalle oo ku aadan galbeedka magaalada Kismaayo, xilli cabsi laga qabo dagaalo ku saleysan hab beeleed in ay ka dhacaan magaalada Kismaayo.
Askari ka tirsna ciidamada dowladda ayaa dhaawac uu ka soo gaaray iska horimaadkaan oo socday saacado, iyadoo markii dambe ciidamada dowladda ay u suurto gashay in ay jiiraan kooxihii maleeshiyada ahaa.
Iska horimaadkaan ayaa waxa uu yimid, ka dib markii kooxaha maleeshiyada ah ay ka dhago adeegeen in ay qaadaan isbaaro halkaasi ay soo dhigteen sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo oo qadka teleefoonka inoogu waramay.
Xaaladda deegaanka Janaay cabdalle ayaa dagan, inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta in mar kale kooxihii maleeshiyada ahaa ay isi soo abaabulaan.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay qaadaan howl-gallo ay ku qaadayaan isbaaro tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay ka soo baxeen magaalada Kismaayo.
Arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli laga cabsi qabo dagaalo ku saleysan hab beeleed oo ka dhaca magaalada Kismaayo.