Xaafadaha Muqdisho oo xalay lagu arkay ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga ahaa oo waddooyinka marmaraya
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/03/07
Xalay ayaa lagu arkay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho qaybo ka tirsan kooxo hubeysan oo wata gawaari nooca dusha ka furan ah oo ku qaylinayay erayo ay ka mid ahaayeen ALLAHU AKBAR, inkastoo gawaarida ay wataan qaarkood ay ahaayeen kuwo uu ku rakiban yahay Qoriga Dhashiikaha loo yaqaan.
Kooxahaan dableyda ah oo dhammaantood uu afka u duubnaa ayaa waxay dadka deegaannada Muqdisho sheegeen inay ahaayeen Maxkamadihii kuwo ka haray oo la sheegay inay dib isku abaabuleen ayna doonayaan inay dagaallo la galaan dowladda Soomaaliya iyo ciidammada gacanta siinaya ee Ethiopia .
Kooxahaan ayaa waxay dadka hortooda ku sameynayeen dhoollo-tusyo ay ku muujinayana awooddooda inay jirto, waxaana tani ay shacabkii arkay u arkeen inay tahay mid caqabad kale ku ah ammaanka Muqdisho oo awalba ahaa aan sugnayn.
muslimamuslimamuslimamuslima
Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxahaan ay yihiin kuwo baro ku leh Magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu sheegay inay doonayaan inay iska abaabulaan si ay dagaal xooggan ula galaan Dowladda iyo Ciidammada Ethiopian-ka ah.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321