UHC-Aaga 1-aad has joined the fight to assist UHC-Aaga 3aad.
Ciidamadda dowladda federalka oo awood looga saaray Cadaado iyadoo hub iyo saanadba laga furtay.
Muqdisho ,Khamiis ,Marso ,22, 2007, Waagacusub Online
Sida aanu ku heleeyno warar deg dega oo naga soo gaaray Cadaado Maleeshiyooyin beeleedyo u dhashay beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa dagaal qaraar la galay Ciidamadda dowladda federalka ee fariisinka ku lahaa degmadaas.
wararka xaqiiqadaa waxay sheegayaan in gawaari tikniko iyo kuwa saad ay ka furteen Ciidamadda dowladda Maleeshiyo Reer Xaaji Saleebaan,kadibna ay ka saaraan Magaaladda oo dhan.
Dadka degan Bandiiradleey ayaa soo sheegaya in Ciidamadaas oo firdhada ay u dhaafeen dhinaca Gaalkacyo iyadoo halkaasna ay kooxo hubaysan wadada ugu galeen.
Ciidamadda la jibiyay ee degana Cadaado ayaa la sheegay inay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Garowe,waxaana Magaaladda Cadaado lagu dhex arkay Gawaari Cabdi bilayaal ah iyo Booyadda Biyo oo laga furtay Ciidamadaas dowladda ee la jibiyay.
Koofurta Gaalkacyo,Bandiiradleey iyo Gelinsoor ayaa la sheegayaa in laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo dagaal oo ka dhana Dowladda federalka iyadoo cabsi wayn laga qabo inay xabadda ka bilaabato gudaha Gaalkacyo.
Koofurta Soomaaliya waxaa laga dareemayaa xasaasiyad qabiil,waxaana muuqanaya dadka inay laabta gashadeen Cabdilahi Yusuf wuxuu doonayaa in Hawiye la xasuuq