(Cadaado) Iska Hormaad dhex maray Ciidamo Puntland oo ku soo jeeday Muqdisho iyo kooxo hubeysan oo ku sugan Cadaado.
Iska hor imaad aad u qaraar ayaa saaka ka bilowday Degmada Cadaado ee Gobolka G/Gaduud, kaasoo halkaas ku dhex maray Ciidamo Puntland ah oo ku soo jeeday Muqdisho iyo kooxo hubeysan.
Hal ruux ayaa ku dhintay Iska Hor imaadkaas iyadoo tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Cadaado, Ciidamada Puntland ayaa ahaa kuwo ku soo jeeday Caasimada, balse kooxo hubeysan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa wadada u gashay Ciidamadaas.
Iska Hor imaadka oo socday muddo saacado ah ayay wararku sheegayaan in la isagala baxay gudaha Degamada, waxaana la tilmaamay in dagaalka uu ka soconayo duleedka Degmada.
War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay dib isaga laabatay, kadib markii ay ku adkaatay in ay maraan wadadaas si Muqdisho ay ugu soo gudbaan.
Ciidamada Puntland ayaa gaari Tikniko ah ka cararay iyo labo gaari oo ah kuwa Booyadaha biyaha qaada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Dagaalka saaka dhex maray Ciidamada Puntland iyo kooxaha hubeysan ee ka soo jeeda Cadaado ayaan la ogeyn inuu yahay mid daba socda kan Caasimada ka ololaya.
Maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qul qulayay Ciidamo Puntland ah oo taageeraya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
http://www.mareeg.com/news.php?sid=1946Only the people of Cadaado have taken on the Northeastern Tigre Lovers, and took tekniko's from them and other equibment.
The people of Guriceel, Hobyo, Ceelbuur, Cheeldheer, Diinsoor etc will finish the job and hunt the Northeastern Tigre Lovers to Garowe, Boosaso etc.
---
Ciilimiye,
Following your logic, I would say you are the same person as Somaliboqor, Ashley, Costa etc