The youth fighters were literally dragged out of the battle fields by the muqawama leaders.
The ethios found all xeerooyin emptied of valuables and weapons.
__________________________________-
Xoogaga iskacaabinta Muqdisho ayaa sheegay in ay xeelad dagaalkoodii bedeleen. Hogaamiye u hadlay xoogagaas ayaa sheegay in dagaalka fool ka foolka ah ee Itoobiya lagula jiray uu ujeedkiisaa ahaa in
dareenka dadka iyo dunidda lagu soo jeediyo, laakiin haatan dagaalku uu noqon doono mid ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah, kaasoo ugu badnaan saacad ama saacad barkeed socon doona.
"Wadooyinka waan u furnay ciidanka Itoobiya ee bal aan aragno hadii ay wadooyinka ku hoyanayaan iyo hadii kale, markii hore inaga ayaa hadaf ama taarget ahayn, haatanse iyaga ayaa hadaf iyo taarget noqonaya". Hogaamiyaha oo ka mid saraakiisha ugu saraysa ee iskacaabinta wada ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafayba ay qorshaha xeelad bedelista ay ku hawlanaayeen, laakiin dhalinyaradda dagaalka ku jira ay diidanayeen in Itoobiyaanka jidka loo furo, iyagoo ku doodayey in ay sharaf dhac tahay, laakiin haatan la garawsaday.
Xoogaga iskacaabinta ayuu sheegay hogaamiyuhu in ay ku howlanyihiin sidii loo bilaabi lahaa hawgaladda unugyo dagaal oo xaafad walba ku diyaarsan, kuwaasoo dalkooda iyo dadkoodda u diidan gumaysiga Itoobiya iyo dabadhilifka Soomaalida ah ee ku lamaanan.
Maalmaha soo socda ayuu hogaamiyahaasi u madlay ciidanka Itoobiya iyo adeegayaashooda Soomaaliyeed.