»Sh Yuusuf Qardaawi oo Qudbadii Jimcaha ee maanta ugu baaqay Soomaalida inay dalkooda xoreeyaan
Dooxa (27 Apr 07), Sh Yuusuf Qardaawi oo ka mid ah culimada ugu caansan aduunka Muslimka ayaa maanta qudbadii Jimcaha ee uu ka jeediyay ugu baaqay Soomaalidu inay diriraan oo dalkooda ka xoreeyaan cadowga.
Sh Yuusuf Qardaawi oo aad u qiiraysnaa ayaa wuxuu sawir ka bixiyay dilka, dhaca, burburka hantida iyo kufsiga soo gaadhay shacabka Soomaalida. Sheekha ayaa wuxuu si kulul u waydiiyay Muslimiintu kaalinta ay kaga jiraan dagaalka Soomaaliya?
Wuxuuna is weydiyay:
- Aaway islaamkii?
- Aaway jaamacadii carabta?
- Aaway shucuubtii xorta aheyd?
Maxaa looga aamusan yahay waxa ka dhacaya Somaliya?
Aaway Zenawigii lahaa dhowr casho ayaan ku dhamayn dagaalka?
Ma dad dalkiisa iyo diintiisa lagula dagaali ayaa sidaas lagu dhameyn?
Sh Yuusuf Qardaawi ayaa wuxuu Muslimiinta caalamka ugu yeedhay inay caawiyaan walaalahooda Muslimka ah.
Dhinaca kale, hadalkan Sh Yuusuf Qardaawi ayaa wuxuu taageero u yahay fatwooyin hore oo ay soo saareen culimada Soomaaliyeed oo sheegayay in la difaaco dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Culimada Soomaaliyeed oo ay ugu caansan yihiin Sh Shariif Cabdi Nuur iyo Sh Cumar Faaruuq oo faray Soomaalida in lala dagaalamo Isbayasiga Saliibiyiinta iyo Dawlada Daba Dhoonka ah oo ay ku tilmaameen inay yihiin Murtadiin gaaloobay.