Taliskii faashiistaha, umulo dooxa, hororka, maato iyo maxas layska intaba lahaa ee bahalka (monster) ahaa ku dheeraan maayo. . Ubadkii markaa yaryaraa ambase dabadii dhashayna Sooyaalka Somaliland ayaa loogu kaydiyay. Si ay u?ogaadaan wixii hortood dhacay iyo xasuuqii iyo eedaadkii dadkooda iyo dalkoodaba la soo mariyay. Duuliye Axmed Maxamed (abgaal)ee diiday inuu diyaaraddii uu duulinaayay?ku duqeeyo shacabka wadankiisa markii lagu amray inuu sidaa yeelo ee garashadiisa bislayd, damiirkiisa hufan, ?dadnimo bilan ?iyo wadaninimoba siin wayday inuu dad rayid ah, aan waxba galabsan ka ahayn haybta Allah ka dhaliyay ee ay ahaayeen, haatanna yihiin, ahaanna doonan inta ifaka nololi jirto?iyo Abwaankii, filoosuufkii waynaa ee curiyay tuducdii taarikhda geshay halhayskana reebtay, way ku mahadsanyihiin. Baal dahab ah ayayna naga mutaysteen kagana jiraan diiwaanka?Sooyaalka Somaliland.
Dalkaaga difaac diidi maa
Dagaal Isaaq dooni maa