Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Qiimaha Guurka Muqdisho oo sare u kacay. LOL

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Qiimaha Guurka Muqdisho oo sare u kacay. LOL

Postby TheblueNwhite » Thu Apr 26, 2012 1:38 am

Guurka Soomaalida ayaa ahaa mid dhaqanka meel sare kaga jiray iyadoo hab maamuus sare lagu xididi jiray, habka guurka miyiga iyo magaalada ayaa ahaa kuwa aad u kala fog, iyadoo ay jirtay xilli miyiga Fog gabadha laga bixin jiray 100 halaad iyo Qori, taasoo lagu micneyn jiray in lagu yareeyo furiinka sidoo kale lagu muujiyo qiimaha ay gabadha leedahay.

Guurka magaalada ayaa ahaa mid inta badan aan dhaqaalo leysku xujeyn, waxaana reerka gabadha soo doonto ay la soo shir tagi jireen inta ay awoodaan mana dhici jirin in reerka gabadha dhalay ay wax gorgortan ah ka galaan waana tan ay soomaalida u tiraahdo “Gabari waa midii hooyadeed kabta”

Tan iyo markii uu dalka galay jahwareerka iyo fowdada ayaa timid in habkii guurka uu wax badan iska bedelay iyadoo ay soo kordheen dhaqano badan oo ku soo kordhay habkii leysku guursan jiray, guurka qudbo sirada loo yaqaaan oo markii hore lagu yaqiin islaamaha da’da ah ayaa noqday kan ugu badan oo magaalooyinka ka jiray oo ay isku guursanayeen dhalinta yar yar iyadoo ay dhici kartay in gabadhaada adiga oo aadan ka warheyn in ay ugu yaraan 2 guur gashay.

Guurka qudbo sirada ayaa ahaa mid u dhaxeeyey ardayda iskuulka dhigata iyo sidoo kale ciyaal xaafadeed oo wiilka iyo gabadha si hoose isu guursan jiray, guurka noocaan oo kale ayaa labo weji yeelan karay inuu dhamaad xun yeesho iyo in ugu dambeyn guri loo yagleelo.

Markii uu dalka ku soo kordhay isgaarsiinta casriga ayaa timid in si sahlan ay iskula xiriiraaan dhalinta dibadaha tagtay iyo kuwii dalka ku haray ayaa waxaa ku soo kordhay nooc kale oo guur oo raad xun reebay guurkaas oo loo yaqaan Guurka Xawaalada.

Guurka nooca xawaalada loo yaqaan ayaa ahaa midkii ugu badnaa ee jiray, guurka noocaan ayaa ah mid gabadha uu soo doonto wiil dalka dibadiis jira sida Waqooyiga Ameerika ama Yurub waana mid ku baxda qarashka ugu badan iyadoo wiilka uu soo wakiishanayp qoyskiisa ama qaar ka mid ah asxaabtiisa waana mida loogu bixiyey guurka Xawaalada taas oo lagu sifeynayey in wiilka wax guursanayo oo aan goobta meherka aan xaadir ku aheyn.

Guurka noocaan ah ayaa noqday mid hablaha ay inta badan qalbiga ku hayaan sidoo kale ay gabar kasta ay quudareyso wiil dibada ka soo doonto taa ayaa dhinaca kale waxa ay meesha ka saartay in dhalinta dalka joogo ay ku hungoobaan damacoodii.

Lamaano badan oo mudo sheeko wadaag ahaa ayaa xiriirkooda ku dhamaaday guul daro kadib markii gabadhii ay ka lexjecleysatay dhaqaalo haddii shalay uu meherka gabadha ahaa Kitaabka Quraanka, maanta taa wax weyn ayaa iska bedelay oo haddii aad dooneyso in aad guursato gabar magaaalo ayaa ah mid kaaga xeran dalab badan oo kaaga yimaada gabadha aad dooneyso in aad nolosha la wadaagto iyadoo tixraac ka dhiganayeso intii saaxiibteed laga bixiyey qiimihii dahabka ee loo iibiyey waaba haddii aysan dalabkeed ku darin sidii saxiibtey waxaan doonayaa in dalka dibadiisa aan deegaan ka dhigano.

Sidoo kale waxaa qiimo dhac xoogan uu ku yimid alaabta dalka gudahiis lagu sameeyo iyadoo ay noqotay in alaabta dibada ka timaado aad loo xiiseeyo, muhiimada koowaadna laga dhigtay, waxayna hablaha isugu fanaan Jiif Talyaani ayaan ku jiifaa amaba ley dhigay.

Ka daroo dibi dhal ayaa maqli jiray Soomaaliya waxaa caado ah sheyga qiimihiisa sare u kaco marnaba hoos uma soo noqdo waa tii oo kale maanta qiimaha ku baxo guurka ayaa sii laba kacleynayo kadib markii hey’ado badan ay soo caga dhigteen magaalada Muqdisho, iminka nabada ka soo bidhaameyso ee Muqdisho ayaa sabab badan iyo wajiyo badan yeelatay, guurka oo si is-daba joog u socda, Hotelada oo aan ka nasan xafladaha lagu dhigo aroosyada.

Dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ahaa, qaarkood ka baxay Jaamacadaha ayaa qabtay bilowga mustaqbalkooda, kadib muddo shaqo la'aan ay ahaayeen, isla markaana ay shaqo ka heleen Hey'adaha, waxaana ay dhinaca kale ay sare u sii qaaday qiimaha leysku guursado iyadoo guurka manta muqdishu yaal uu yahay mid aysan marnaba u bareeri karin dhalinta yar yare e guur-doonka iyadoo dhalinta shaqeeyo ay ku falisaan guurka kuwa kale ee aan awoodin in aroos heerkiisa sareeya ay u dhigaan lamaantooda.

Gabadha maanta Muqdisho joogto waxaa maanka kaga xeran in 100-grm oo dahab ah loo iibiyo 5,000$ uu noqdo meherkeda sidoo kale arooskeeda looga tumo hoteelada ugu qaalisan magaalada, waana arrin aad aan ula yaabay markii aan ka maqlay Xaflad aroos ah oo aan dhowaan ka qeyb galay.

Mid ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho oo xiriirinayay Xaflada arooska oo ka dhaceysa Hotel Shaamow ayaa ka qeyb galayaasha xaflada ayaa intii cod baahiye uu ugu sheegayay qiimaha meherka gabadha hadalba ka soo bixi waayay, qaarkeen waxaa u qaadanay in Mikrafoonka yara ciladoobay codkiisana sidaas u gaabtay, ha yeeshee marka aan dhawaqa yar ee Makrafoonka maqlay iyo muuqaal ahaan wajigiisa oo amakaag ka muuqday, markii dhegta loogu sheegay meherka, waxaana kadib labo jeer oo si cod hoose uu ku dhawaaqay qiimaha meherka oo ilaa 150-grm dahab gabadha meherkeedu ahaa, waana mid layaab dhaxalsiisay xiriiriyihii Xaflada oo afkiiba juuqda gabay noqday.

Cabdalla Caamir waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho wuxuu markii labaad uu ku hungoobayaa inuu dooqiisa helo waana sababo la xariira dhanka dhaqaalaha oo uu awoodi waayay inuu bixiyo qiimaha waalida ee Guurka Muqdisho haatan sabeynayo.

Guurka qiimihiisa waalida ah ayaa durba keenay in dad badan ka hadlaan, gaar ahaan Culumaa'udiinka oo ka digay in hadii qiimaha guurka uu sare u kaco, inay yaraadaan dadka is guursanaya.

Magaalada Muqdisho bilicdeeda xilligan aad ayay u soo muuqaneysa, dhismayaal badan ayaa ka socda, dayactir, waxaana is bedelka ka jira Caasimada ay sababtay in qiimaha guryaha uu sare u kaco.

C/casiis Golf
Chief Editor
golfyare@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests