Death tolls from Today's Fight:
23 Punanilanders
16 Ethiopians
7 UHC
Wounded Punanilander POWs were taken to local area hospitals. The Punanilanders were confused & got lost under fire from the UHC.
WINNER ROUND 1 - UHC
More to come tomorrow.
Long Live UHC !
Death to Punanilander, TFG & Ethiopia Forces in Xamar !
Warbixin gaara oo uu Tifaftiraha Waagacusub ku eegayo khasaarahii dhimasho iyo dhaawac ee dagaaladda Muqdisho sababeen.
Muqdisho ,Khamiis, March. 22, 2007 Waagacusub.com
Shacabka guud ee ku naf waayay dagaaladda ka dhacay Muqdisho waxay kor u dhaafeen 43 qof sida la xaqiijiyay,iyadoo in kale oo ka badan boqolna ay ku dhaawacmeen sida ku cad tirakoobka goobaha Caafimaadka Muqdisho.
Dhinaca xoogaga Muqaawimadda oo dagaalka lug ku lahaa dhimashadooda aad ayay u yar tahay,waxaana tiro koobkoodu yahay 7 nin oo kaliya .3 kalana waa kaga dhaawacmeen.
Afar dagaalyahan ayaa la xaqiijiyay inay Muqaawimadda kaga dhimatay Suuqa Xoolaha gaar ahaan xeradda Maslax,sidoo kale laba ayaa kaga dhimatay Gaashaandhigga mid ka kalana wuxuu ku dhintay Hotel Ramadaan sida ay ku warameen qaar ka tirsan .
Ragga ka geeriyooday Muqaawimadda kuma jiraan hogaamiyaal Gaas ama Guuto.waayoo waxaa dagaalkii ugu weynaa ee gaashandhigga si lixaadleh uga qaybqaadanayay Maleeshiyo beeleedyadda Hawiye oo si miir la’aana uga jiray safka hore.waloow ay ahayd markii ugu horeysay ee ay dagaalka qayb ka noqdeen Maleeshiyooyin u dhashay beesha Sacad Habargidir oo hore u taabacsanaa Siyaasadda Madaxweyne Yusuf balse sida muuqatay ka furtay.
Ciidamadda Itoobiyaanka 13 Askari ayaa la sheegay inay kaga geeriyootay,sidoo kalana ay 16 kale kaga dhaawacmeen dagaalkaas hada istaagay.
13-kaas Askari ee ka dhimatay Ciidamadda Itoobiyaanka shan ka mida dhulka ayaa lagu jiidjiiday,dadweyne qamaama ayaa deb qabadsiiyay.laakiin waxaa jira laba Maxbuus oo dhaawaca ,ayna gacanta ku hayaan Muqaawimadda Shabaabka loo aqoon jiray.
Ciidamada dowladda federalka gaar ahaan kuwii ka yimid Puntland ayaa aad loo xasuuqay waxaana Gaashaandhigga oo qura ay shabaabka ku dileen 23 Askari oo reer Puntland ah.
Askarta la xasuuqay waa ay ku jireen qaar u dhashay Hawiye laakiin Askarta Puntland waxaa dhibaato ku noqday degaanka oo aysan kala aqoon ,waxay gacanta u galeen dadweyne qamaam ah oo ay ka buuxday xasaasiyad qabiil,kuwaas oo gubay ama jiid jiiday wadooyinka qaarkood.
Ciidamadda Puntland Qaarkood waxay iska dhigeen hubkii iyo dharkii astaan u ahaa taas oo u sahashay in dhaawacooda la geeyo Isbitaaladda
Xoogaga Muqaawamadda ayaa sheegtay inay hayaan todobo Maxbuus oo askar reer Puntland ah laakiin lama ogga nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan .
Madaafiicda la iswaydaarsanayay waxaa ugu naxdin badnaa dadka ay ku habsadeen lix qofood oo harsanayay geed ku yaal laba dhagax iyo haweeneey halkaas shaah ku karineysay oo iyadda la helay kobaheeda oo qura.
Haweeneey Ummul ah oo ninkeedda uu hore madfac u dilay ayaa ka mid noqotay dadka ay madaafiicda waxyeeleeyeen,waxaana haweeneeydaas oo jir ahaan shaandha ah la geeyay Isbitaaladda Muqdisho inta badan kuwaas oo kharash ku xiray daweynteeda laakiin xilli ay xaalad nuucaasa ku jirtay ayaa loo sheegay in laba caruura oo ay dhashay iyagana dhinteen ,tira kalana dhaawacmeen.
Nin gaari gacanle ah oo mareyay laamigga dheer ee laba dhagax ayuu Madfaca dusha kaga dhacay,waxayna Wariyaasha Waagacusub arkeen lug ninkaas ka go-day iyo gaari gacankii uu watay digsi lugeed ka fanaaninay,taas oo u macnaa inuu jarjarmay ninkaas iyo gaarigii uu watay
Si kastaba ha ahaatee xoogaga beelweynta Hawiye iyo Isbahaysatadda dalalka IGAD waxay kubadda u taal berri oo la sheegayo inuu dhacayo duulaan cir iyo dhul ah..