Qiimaha Hubka Fudud Iyo Rasaasta ayaa Sare uga Kacay intii Awal hore lagu kala siisan jiray Suuqyada Lagu Gado ee Magaalada Burco, ka Dib markii Amaanka Magaaladaasi Gaadhay Heerkii Ugu Xumaa Xiliyada Habeenkii
Qiimaha Bastooladaha Noocyadooda Kala Duwan Iyo Qoryaha Fudud ayaa 10% Sare u kacay iyada oo qofwalbaa isku dayay in uu iibsado hub uu Naftiisa ku Seef gareeyo Ama uu Meheradiisa ku Ilaashado
Talaaboyinkana ayaa dadku Qaadeen ka dib Markii Haayadaha Amaanka ee Xukuumada Madaxweyna Daahir Riyaale Kaahin ku Guuldaraysteen wax ka Qabashad Amaanka Magaalooyinka waayay ee Somaliland Gaar ahaan Hargeysa Iyo Burco
” 24 Saacadood ee ugu Danbeeyay Wax Naloo keenay ilaa Sideed Qof oo Meelo kale duwan Midiyo Iyo Faashash Si Arxandaro ah Loola Dhacay, oo Cusbitaalka Naloogu Keena Qaarkoodna Halis Yihiin.” Sidaasi waxa Hadhwanaagnews u Xaqiijisay Mid ka Mid ah Kalkaalisooyinka Caafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco
Sidoo kale Laba Habeen ka Hor ayaa Maydka Nin la Sheegay in Toori ay Qudha Kaga gooyeen Maafiyadan Hubaysani Lag Helay Xaafada Hodan Qaylo ee Degmada Faarax Oomaar, Kaasi oo aan Ilaa Iyo Hada Dilkiisa Cidna Loo soo Qaban
” Xaaladu Waxa ay Maraysaa Ku Nasiibso Dii la Sheegi Jiray Dawlad Iyo Boolis wax ka Qabanaayaana Ma Jiro Markaa Sidaasi ayaa Igu Kalifaysa In aan AK 47 Ibsado Badabeed aan Dabka Saaro Waxaan Garan waayo ” .Sidaasina waxa Yidhi Muuse Jaamac oo aanu kula Kulanay Suqa Hubka Lagu gado.
Tuugtan Maadhariinta ah ayaa la Sheegay in ay Dadka Toori Iyo Faash ku Hubsanayaan Inta aanay Baadhan ka Hor, Ka dibna ay Wax ka Helayaan Ama ka Waayayaan taasi oo ka Yaabisay Badiba dadka ku Nool Magaaladani Burco
Khasab weeye Habeen walba in ay Dhagahaagu Maqlaan Dhawaaqa Rasaasta Laysaga Caydhinaayo Tuug Manaxaan ah Taasi oo Siyaabo Teel Teel ah uga dhacaysan Daafaha Magaalad Burco
Suurta Gal mahaa in aad Lugayso Xaafadaha Magaalada Burco Wixii ka Danbeeya 930 Fiidnimo Hadii aanada Sidan Hub Aad Lafahaa ku Ilaaliso, Hadii aanay ku Heli Tuug Iyaguna Hubaysani
Haayadaha Amaanka ee Xukuumada Madaxweyna Daahir Riyaale ayaa iyaguna u Muuqada Mid ku Xashilmay Waxkaqabshada Masuuliyada Amaan Xumada Soo Foodsaarty magaalooyinka waaweyn ee Somaliland