Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka kana mid ahaa musharaxiintii laga hor istaagey shirweynihii labaad ee Xisbiga UDUB ku yeeshay, ayaa ku dhawaaqay in ay Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Urur-siyaasadeed cusub oo ay samayn doonaan garabkii isbadal doonka ahaa ee xisbiga UDUB, ururkaasi oo aanu shaacin C.laahi Darawal magaciisa.
Waxaanu xusay C.laahi Darawal in ururu siyaasadeedkoodan cuisub uu taageeri doono sida uu sheegay xisbiyadda mucaaridka ah, iskana kaashan lahaayeen sidii meesha looga tuuri lahaa Xisbiga UDUB iyo xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale .
C.laahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa sidaasi ku dhaagay shalay mar uu saxaafada dalka ugu waramaayey huteelka Haraf , Waxaanu ku eedeeyey Madaxweyne Daahir Rayaale inuu xisbigii UDUB burburiyey isla markaana uu jeebka ku qaatay oo uu ka dhigay xisbi qof iska leeyahay, waxaanu yidhi “Sidaa loo doonayo in wadanka loo burburiyo ayaa xisbigiina iyadoo la daawanayo la burburiyey oo uu noqday xisbi qof iska leeyahay , runtiina anagu hadaanu nahay isbadal doonkii xisbiga UDUB anagu meelna kumaanan biirin laakiin waanu is urursanay waxaanu doonaynaa mustaqbalka inaanu urur siyaasadeed samaysano, Laakiin ururada kale ee xisbiyada waxaa naga dhexeeyaa sidii maamulkaa imika jooga ee meel alaale iyo meel uu wadanka u wado aanu jirin, ee mugdiga galiyey dalkiiba ee doonaya inaanu doorashona qaban meeshana iska fadhiyo , inaanu kala hawl galno sidii meesha looga saari lahaa, markaasi hawlaha aanu iska kaashanaa waxa weeyaan waa hawlaha noocaas ah ee lagaga hor tagayo wadankan distoorkiisii laga tagey ee mugdiga loo wado”.
Mar la waydiiyey C.laahi Xuseen Iimaan (Darawal) goorta uu ku dhawaaqayo urursiyaasadeedkaasi cusub waxaa uu ku jawaabay “Horta waanu leenahay meel aanu iskugu nimaadno iyo xafiisyo aanu ku shirno , sharcigii ururkana waanu dhamaynay , waxan u malaynaya waxaanu sugaynay in laga baxo bal mugdigan siyaasadeed ee la keenay bal inuu jiho uun samaysmo oo uu meel afka u saaro waxanan filaya uun 10-kan Cisho ee u horeeya waxaan filayaa inaan magaci isku raacno dabadeeto aanu ku dhawaaqno, Talaabada kale ee ku xigta ee aanu galaynaya waa inaanu taageeradaydii iyo codkayaga siino xisbiyadda mucaaridka si ay iyaguna hadhaw wax noola qabtaan”.
C/laahi Darawal oo wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aadan go’aankii dhawaan ka soo baxay golaha guurtida ee ay ku ansixiyeen heshiiskii lixda qodob ahaa , waxaa uu ku jawaabay “ Dadweynaha, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo beesha caalamkuba waxaa ay ka sugayaan (Xukuumada) in doorasho muddo kooban oo saddex bilood amaba afar bilood ah lagu qabto , hadii lagu qaban waayna waxay noqonaysaa meesha waan iska haysanayaa , ka dibna sidii looga hor tagi lahaa ayaa laga tashanaya, weyna sahlan tahay sida looga hortagi lahaa”.
Darawal waxaa kale oo uu xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyey inay isku duubni muujiyaan “Wuxuu meesha ku fadhiyaa Rayaale waa khilaafka dhexdooda ah ,iyo ka faaa’ideysiga dhexdooda ah ayuu ku fadhiyaa, iyagana(Asxaabta Mucaaridka) waanu sheegay laakiin maanta waxaan u malaynaya inay D-da timid. Imika hawlihii adkaa ee isku xidhnaanta ahaa ee ay qabteen kalsooni badan iyo taageero badan bay ku heleen ,Waxaanan leeyahay maanta waa loo soo wada jeedaayee ha ka faai’deystaan”.
C/Laahi Xuseen Iimaan (Darawal) waxaa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale uu quus ka joogo inuu doorasho xor iyo xalaal ah uu galo , taas oo uu kalsooni daro weyn ka qabo sida uu sheegay ,Waxaanu intaa ku daray in madaxweyne Rayaale ka gilgilanayo inuu doorasho qabto.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=10975