Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

“Beesha Caalamku Way Soo Dhawaysay Ansixinta Komishanka Waxa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

“Beesha Caalamku Way Soo Dhawaysay Ansixinta Komishanka Waxa

Postby MrPrestige » Wed Oct 28, 2009 10:11 am

“Beesha Caalamku Way Soo Dhawaysay Ansixinta Komishanka WaxaanaySugeysaa Doorasho Wakhtiga Ugu Dhaw Ka Dhacda Dalka, KhubaradaServerkuna Dhakhso Ayey U Imanayaan” Xoghaya Arr. Dibedda ee Kulmiye

Hargaysa (Oodweynenews)- Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in Wadamada Beesha Caalamka ee Somaliland daneeyaa aydadaal weyn ugu jireen sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah wakhtiga ugu dhakhsaha badan si ay ula macaamilaanama ay taageero u siiso Xukuumada la soo doorto, isaga oo xusay in waxyaabo badan oo Somaliland ka caawin lahaayeen Beesha Caalamku ay kuxidhan tahay doorasho hufan oo ka dhacda dalka.

Sidoo kale waxa oo uu xoghayaha Arrimaha Dibedda Xisbiga Kulmiye ka dhawaajiyey in Beesha Caalamku ay raagsatay hirgelinta heshiiskiilixda qodob ahaa ee dhawaan lagu afjaray khilaafkii Cakirnaa ee kataagnaa dalka, taas oo uu tilmaamay in madaxweyne Rayaale fulintoodaka cagojiidayo.

Xoghaya Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr.Maxamed C/laahi Cumarwaxaa uu sidaasi ku sheegay Xog Waraysi khaas ah oo xalay khadkatelefoonka ku siiyey Wargeyska Saxansaxo isaga oo ku sugan MagaaladaLondon ee cariga ingiriiska, waxaanu sheegay in dhaqaalahadoorashooyinka iyo khubaradii iman lahayd ee ka shaqayn lahayd dib usixida natiijada diwaangalinta codbixiyayaashu ay ku xidhan tahayhawlgalka komishanka doorashooyinka.Xoghayuhu mar uu ka hadlaayey sida ay Beesha Caalamku u aragto fulintaqodob ka mid ah lixdii qodob ee ay ku soo afjareen khilaafkiisiyaasadeed ee ka taagnaa Somaliland wuxuu yidhi “Runtii wadamada reergalbeedka ah gaar ahaan kuwa Somaliland saaxiibka la ah ee inagataageera geedi socodka dimuqraadiyadda aad bay u soo dhaweeyeen markiiay saddexda Xisbi ay heshiiska wada galeen lixda qodob ka koobna,waxaa kale oo ay aad u soo dhaweeyeen inkastoo arrintani komishankamagacaabistiisa ay arrintaasi inagu dheeraatay oo Madaxweynuhu dhawrjeer xubno xagga xisbiyada iyo Golaha Guurtida ka yimid uu dhawr jeerdib ugu celiyey oo ay arrintaasi ka gawr adeygeen saaxiibada caalamkaaynu ku leenahay, hadaba markii danbe ee arrinku dhamaaday ee layskiwada raacay waa la soo dhameeyey, markii la ansixiyeyna BeeshaCaalamku wey soo dhawaysay”.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE oo la weydiiyey su’aal ahayd inkhubarada dhinaca Serverka ee la sugayaa ay waqti qaataan oo waxaa aydoorashadu u darban tahay ay iyaga tahay maadaama komishankii ladhisay , wuxuu ku jawaabay “Waa runtaa arrinta ugu adagi waa taa,qodobadii kale ee la doonayay in deg deg loo fuliyo ayaad moodaa inaansidii ay Beesha Caalamku u doonaysay in lagu deg dego aanay welimuuqan. Tusaale ahaan Heshiisku wakhtiyo gudahood oo mucayin ah ayayahayd inuu ku dhamaado , wajiga hore wuu dhamaaday ka labaadna waxaauu ahaa in marka komishanka la dhiso inaan Magacaabistiisa, Ansixintiisa, iyo Dhaarintiisaba aanay wakhti fara badan inagaqaadan, iyada oo hawlo badan oo doorashada la xidhiidha ay inoohadhasan yihiin , markaa talaabada labaad ee aynu sugayno waxa weeyiin komishanka cusub ay markiiba baaq u diraan wadamada aynu saaxiibkanahay arrinta ay inaga taageerayaan ee ah arrinta diwaangalinta.

waxaan u baahanahay khubaradii Caalamku noogu balan qaaday inay na soogaadhaan oo ay barnaamijkii guda galaan ka dibna ay qiyaasaan inta ayku qaadan karayso si ay iyaguna (Komishanka) markiiba ay u magacaabaantaariikhda dhabta ah ee ay doorashadu qabsoomayso, iyaga oo kuxisaabtamaya taariikhda ay qaadanayso hagaajinta Serverku, waxaas oodhan baad mooda in ay dib inooga dhacansan yihiin.”

Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo la weydiiyey su’aal ahayd in BeeshaCaalamku ka walaacsan tahay hor u socod la’aanta heshiiskii lixdaqodob ahaa waxaa uu yidhi “Beesha Caalamku waxay leeyihiin heshiiskiiaanu ku soo afjarnay khilaafka siyaasadeed waanu ku faraxsanahay sidaay ku bilaabmeen markii hore ,waxaanse doonaynaa in arrinta qoladakomishanku ay arrintoodii hore u galaan oo aan waqti fara badan halkaalagu lumin isku imaansho iyo isbarasho, laakiin ay jadwal cadaan ahsamaystaan oo ay taariikh u qabtaan waqtiga ay khubarada caalamkuimanayaan iyo taariikhdii doorashadana qabtaan,agabkii iyo dhaqaalihiidoorasho lagu qaban lahaanba ay soo gudbiyaan.Imaanshaha khubarada Server waxaa ay ku xidhan tahay hadba sida aykomishanka doorashooyinku dhismihiisa u dhamaysto ee Guddoomiyihiisaiyo ku xigeenadiisa u samaysto dabadeedna ay baaq u diraan BeeshaCaalamka”.

Mar uu ka jawaabayay Xoghayuhu su’aal ahayd Dhaqdhaqaaqyo Magaalooyinku yaala ingiriska in ay ka wadaan ollole Xisbiyada KULMIYE iyo UDUBwaxaana uu ku jawaabay “Xisbiga KULMIYE sida la wada ogsoon yahaywuxuu ku leeyahay wadamada yurub gaar ahaan ingiriiska taageerayaalaad u fara badan shirarka , is aragyada , diyaar garawga iyotaakulaynta Xisbigu hada iyo jeer waa mid joogto ah , maaha mid xillibilaabanta xillina dhamaata.Markaa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE shirar, Aqoon isweydaarsiyo iyohawlgalo ku saabsan xagga doorashooyinka diyaar garawgoodu had iyojeer wey ka socodaan dalka ingiriiska iyo wadamada kale ee aanutaageerayaasha ku leenahayba.Xagga Xukuumada waxaan maqlay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Cirroayaa dhawaan dalka Ingiriiska yimid oo dhawr magaalo ingiriska ka midahna soo maray , runtii dee markaa haddii aanay taa ahayn, dhaqdhaqaaqkale oo xagga Xukuumada ka yimid oo Ingiriska ka socoda maan maqal.”

Mar la weydiiyey safarka Wasiirka Arrimaha Guduhu ku joogo Ingiriiskacida uu la kulmay. waxaa uu ku jawaabay “Waxyaabaha uu u yimidWasiirku weli meel fagaare ah kamuu sheegin oo muu cadayn balse waxaauu ku sheegay arrin isaga u gaar ah iyo arrimo kale oo uu kuhorumarinayo Arrimaha Wasaaradiisa ka qabato Somaliland, taas oo ayugu horayso Ciidamada Bileyska iyo Nabadgalyadu ugu horeyso sidi uuuga kaashan lahaa dawlada Ingiriiska, Runtii dawlada Ingiriiskuwaxyaabaha ay ka qabto Somaliland waxa ugu weyn ee ugu horeeyaa waxaaweeyi inay doorashooyin xor oo xalaal ahi ka dhacaan oo la hawlgaliyokomishanka doorashooyinka qaranka in Somaliland doorasho mucayin ah ooaduunku ogyahay ay gasho, si qorshooyinka ku talo galka ah ee lagucaawinayo ay ku salaysnaadaan.

Markaa wixii dawladaha reer galbeedku ina siinayay oo dhan dib baa loodhigay dunida oo dhan haday ahaato Ingiriis iyo hadey meel kalebanoqoto waxaasi oo dhamina wax ay ku xidhan yihiin doorashooyinka dalkaka dhaca iyo Xukuumada markaa ku guulaysta doorashada, Laakiin cidimika kula soo deg degaysa Somaliland mucaawinadeeda maamulka imikajira ma jiraan, iyadoo imika dalku doorasho u diyaar garoobayo.”

Saxansaxo



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11717

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 22 guests