Moderator: Moderators
You're funny.I Wonder What The Populations Are Today...
BTW... Marehan Was Probably A Bit Bigger Than Majeerteen Back Then.
You're funny.I Wonder What The Populations Are Today...
BTW... Marehan Was Probably A Bit Bigger Than Majeerteen Back Then.
Majerteen and Ciisa are the largest clans reported and historically Majerteen, Cissa, and Ogaden were the largest Somali clans, Marehan were the same size or a bit smaller than Habar Awal is my guess.
Yet there is more written information about Marehan from 1500 to the colonial period than Majeerteen and hell most other clans? Strong logic.Marehan were almost unheard of in the early colonial era.
Basically Ugaas Dhoore said to him, before you count us try to lick your elbow. The colonists said I can't, then our Ugaas said to do it you would have to break your hand and cause to yourself right? The colonist said yes and then Ugaas Dhoore said that will happen before you try to act as if you control me.Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashey beesha Mareexaan iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga dhigay degaanka waqooyiga Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri :
" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga oo aad leeftaa ".
Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :
" Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka waan la gaarayaa ".
Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato faraha lala galo ".
Sarkaalkii : " Haa ".
Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo aad tirisaa ".
Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq, halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo ay isu ururiyeen iyo degdegta ay go´aanka ku fuliyeen.
Sir. Kirk oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo imanayay, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan :
" Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya ". (Kirk to Granville. dispatch No. 18. January 17. 1885).
Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka qabiilku uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku uu ku ilaalinayo sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo in uu ceeb iyo magac xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha la wadaago. Arrintaasi waxay ku reebtay reer miyigii Soomaaliyeed islaweyni guud oo ay beelaha Soomaaliyeed qabeen.
http://www.mudugonline.com/Qoraalo/dhulkayagii21.htm
Return to “Politics - Somaliland”
Users browsing this forum: No registered users and 15 guests