Daaroodka qaar baa midgaha lagu masaalaaye
Moofada Kidaarkana ragbaa maalintii cuna'e
Masaakiinta waa lagu og yahay joogta meelaha'e
Maraykaanna laga sheeg intaa madaxa goyseene
Malyan baw sita'e geelayaga lagama maarmeene
Kol hadduu Madheedhkii Wareeg Mulay ku daaqaayo
Kol hadduu Masaarre iyo DigWeyn maaxda shubanaayo
Milmil iyo Bullaalena hadduu maansha ku arooro
Nin martiya ha joogtee haddaan lagu mannaagaynin
Kol haddaan Mataan madi ka dhigay muranku waa ceebe
Afartii Magaadleba haddaan maanta ka ahaaday
Mudh haddaan ka soo idhi Isaaq hay makeekiyo'e
Mahadaale caaway hurdadu ii macaan tahaye