War Deg deg ah: Roobab laxaadle oo Khasaare sababay oo ka Da,ay Galabta Magaalada Hargeisa.
Wararka naga soo gaadhaya nawaaxiga meelaha khasaaraha uu ka gaystay roobku ayaa Sheegaya in khasaare dhimasho............
Hargeisa (GNS)Roobab laxaad leh oo dhawr saac ka da,ayay magaalada hargeia ayaa Keenay khasaare laxaad leh oo uu ugaystay Guryo ku yaala Xaafado ka mid ah magaalada hargeisa
Wararka naga soo gaadhaya nawaaxiga meelaha khasaaraha uu ka gaystay roobku ayaa Sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu sababay roobkaasi oo watay Dabaylo xoogaan oo jiingadaha ka guray Guryo ku yaala Xaafadaha Calaamada iyo jarato, Warku waxa uu intaa ku darayaa in Dooxa Xaafada jarato soo gaadhay guryaha ku dhaw, qaar ka mid ah Guryaha Xaafadaasina dumeen, Khasaaraha Guryaha ayaa la sheegayaa in uu sababay khasaare Dhimasho iyo dhawaacaba balse aan wali la hubin tirada dadka khasaaruhu ka soo gaadhay roobabkaasi.
Daadad Xoogan ayaa dhexmaraya Suuqyada magaalada iyada oo jidadka qaar xataa baabuurtu aanay mari Karin oo biyo aad ubadini buux dhaafiyeen gabiyada waddada.
Laydhadhka Shirkadaha ayaa la sheegayaa inay Khasaare soo gaadhsiiyeen Dadka guryuhu ku dumeen, warku waxa uu intaa ku daray in jiingadaha guryaha ee dabayshu ka gurtay ay khasaare soo gaadhsiiyeen dadka marayay wadooyinka qaar.
Khasaaraha roobabka ayaa la sheegayaa inuu intaa ka badanyahay iyada oo warar aan la hubin ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac badani ka jiro Daanta shishe ee magaalada hargeisa (Dumbuluq) balse ay wararku isa soo tarayaa marba marka ka danbeysa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Gabiley News
Nimco Muxumed Ibraahin
Gabiley News Reporter
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com