Moderator: Moderators
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadha Gobolka sool ayaa waxay sheegayaan in had gobolkaasi la tiriyaay codadka intooda badan.
(Hadhwanaagnews) Sunday, June 27, 2010
Laascaanood-(HWN)-Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadha Gobolka sool ayaa waxay sheegayaan in had gobolkaasi la tiriyaay codadka intooda badan.
Iyadoo la sheegayo in ay kala horeeyaan xisbiyada ku tartamaya doorashooynka madaxtooyada Somaliland.
Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ayaa Xafiiska Hadhwanaagnews ee Magaalada laascaanood Wariye ciise yare khadka Telephone-ka kula xidhiidhay Waxna ka waydiiyay mar ay marayeen deegaanada ka sareeya Caynabo ayay u Xaqiijiyeen wariye ciise yare natiijada codadka ee ay kala heleen xisbiyadu,ee gobolka Sool masuuliyiintaa oo uu hor kacayaay Mudane C/risaaq Khaliif ayaa manta galinkii danbe ka baxay magaalada laascaanood iyagoo u kicitimay Degmada caynaba oo codadka ugu badan gobolka Sool ay ka soo xaroodeen.
Gobolka sool oo Natiijadeeda la soo sheegay.
Degmada laascaanood hada natiijada hordhaca ah laga hayo waxaa kamid ah.
Laascaanood waxaa Dhamaantii codeeyaay 17’289 waxayna xisbiyadu u kala heleen sidan
KULMIYE 12’127
UDUB 5’454
UCID 1’245
Natiijooyinkan aan soo uruurinay ayaa waxay yihiin sidaan hore idiinku sheegnay kuwo hordha ah oo lagu kalsonaan karo maadaama ay doorashadani ka duwan tahay kuwii hore ee ka dhici jiray wadanka.
Sanduuq kasta oo lagu codeeyan meesha uu yaalo lagu tirinayo ayaad moodaa in la heli karo natiijada doorashada inteeda badan .
Kalasoco Waxii ka soo kordha Natiijada Doorashada hadhwanaagnews.com
Cabdiraxmaan Cabdisamed Ahmed(ciise yare)
Hadhwanaagnews
Lasanod Office
you are embarassing your self sicciidEmperior actually, 5’454 + 1’245 =6699
Emperior actually, 5’454 + 1’245 =6699
hargaysaay, how am i embarrassing myself i was just showing the xisaab to emperior, when he said UDUB & UCID were 5000.
war the only person who needs to chill is you, just wait for the results 2morro qaylaada naga dhaaf and ku adkayso the side you chose.
Return to “Politics - Somaliland”
Users browsing this forum: No registered users and 24 guests