Postby LiQaaye_TDH » Wed Aug 04, 2010 4:10 am
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda oo Sheegay inuu U Tartami Doono Doorashada Madaxtinimada
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda oo shaaca ka qaaday inuu Doorashada Madaxtinimad ee Xisbiga Kulmiye u tartamayo
Hargeysa,(Qarannews)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda Soamliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa ku dhawaaqay maanta inuu is sharaxayo Doorashada Madaxtimada ee soo socota, sidaasina ay tahay go'aanka mustaqbalkiisa siyaasadeed oo muddo badan uu soo waday
lama garanayo hadalka Samaale waxa uu daaran yahay, hase yeeshee waxa soo if-baxaya tibaaxo ka soo baxaya xisbiga kulmiye oo sheegaya in uu jiro loolan adag oo ka dhex jira siyaasiyiinta xisbigaasi oo u ololaynaya sidii midkasta oo iyaga a mid ahi u dhaxli lahaa talada xisbiga maadaama Siilaanyo ka hor dhaqaaqay
waxa uu dhawaaqa Samaale ku soo hagaagay wakhti la wado xaflad lagu sheegay in Muuse Biixi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga ah berri lagu wareejinayo Guddoomiyenimadii xisbiga taasoo loogu balan qaaday shirweynihii labaad ee xisbiga ee burco, taasoo lagu casuumay ilaa laba boqol oo qof, matrigalinta shirkaana sida ku cad kaadhadhka casuumada uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland
talaabada Samaale ayaa loo arkaa in ay tahay mid dabka ku sii hurinaysa khilaaf siyaasadeed oo in badan ka soo dhex holcayay Kulmiye, waxaanay u muuqataa inay kala cadaan doonto berri