This is a proper Tiro koob, not like the somali estimations with their fantasy numbers!!
Tirada haweenka ku nool dalka Kenya ayaa la cadeeyay in ay Rubuc Malyuun ka badan yihiin tirada ragga dalkaa ku nool sidaana waxa lagu sheegay natiijo ka soo baxday tiro koob guud oo laga qaaday dadka dalka Kenya.
Tiro koobkan waxa lagu shaaciyay in tirada dadka Kenya ay noqotay 38,610,097 Qof, oo kala ah 19,192,458 Rag ah iyo 19,417,639 Dumar ah/
Sidoo kale, Tiro koobkani waxa dadka dalka Kenya lagu su”aalayay qawmiyaddaha ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan iyo Diimaha ay aaminsan yihiin, waxaana lagu sheegay tiro koobkan in Kikuya-du ay tahay Qawmiyada ugu badan dalkaa tiradeeduna ay tahay 6,620,000, halka tirada qawmiyada Kampa ay noqotay 3,890,000, halka tiradda Qawmiyadda Soomaalidu ay noqotay 2,380,000,waxaana jira qawmiyado badan oo ka sii yar tiro ahaan Soomaalida Kenya.
Geesta kale, Kiniisada diinta Kitistaanka ee Protestanka ayaa noqotay ta ugu badan ee ay dadku aaminsanyihiin waxaana diintaa ku socda dad tiradooda lagu qadaray 18 Milyan oo qof. Kiniisada Kaatoliga waxa iyana aaminsan dad gaadhaya 9 Milyan oo qof, Diinta Islaamka waxa aaminsan dad gaadhaya Afar Milyan Iyo Afartan Kun oo qof, diinta Hinduuga waxa aaminsan dad gaadhaya 53,393 qof.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Qoeshaynta ee Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Tobankii sano ee ugu dambeeyay ay tirada dadka dadka Kenya kor u kacday Ilaa Toban Milyan oo qof10 milyan.