Gabaygan ayaa loogu hadal haynta badna dhawaanahan caasimada hargeysa let me share it with u guys.
dhalintii dalkaygow
dhaayihii dadkaygow
dhismihii dhulkaygow
dhurwaa iyo libaaxbaa
dheeftiinii cunayoo
dhiigiini cabayee
raga daaro dhaadher
dhulkiinii ka taagtee
dhaylsada wax kugu lihu
waa dhimasho door bida
waa dhaqasho daadiya
waa dhiig laan dhimo
ha dhaadina gumaysiga
ha dhawrina ninkaa maqan
maqrib yaanu kaa dhicin
dhulka yaanu nabad socon
dhismihiisu yuu jirin
nin ku yidhi dhalbaad tahay
dhabarkaa la taabtaa
ninkaan dheefba kuu hayn
dhimashadana kula jecel
dhaqsaa loo galaaftaa
dhulkan waad u dhalateen
dalkan waad u dhimateen
diinta waad ku dhaqantaan
meeday dhalashadiinii
dhiigii aad hurayseen
dheef laaan miyuu dhalay
dhulkan kuwii ku noolaa
qosolbay u dhacayaan
maraka ay dhagaystaan
sida aad u dhibantihiin
sadex waliyo dhaar mara
dhiigu haydin wada karo
ha dhacdoo ha dheelido
adba waad ku dhibantehee
yaa dhiil u culanyahay
dhimashadu xaq weeye
dhiirada inaadeer
dhulka inaad ku nooshihiin
badhna aad ku leedihiin
waa inaad dhabaysaan
haybtiinu yey dhiman
dhalintiinu yey biin
taariikhdu yey dhigin
in aad dhufaan tihiin
dhabarkaan ha jeedinin
afarbaad ku dhaantaan
boqolkii dhan wada mara
imisaad wax dhawrteen
ama aad ducayseen
dhayalsateen wixii jiray
imisaad dhisayseen
dhulkan aan ku noolahay
hadii dhaadhac lagu yidhi
dhulkanina umaad dhalan
lama sinid dadkaa dagan
hal gaadhaana kugu filan
ka dhiidhiya waxaa dhacay
dhamaantiin kawada baxa
wada qota dhufaysyada
dhimashaad ku dhaantaan
sidan aad u dhibantiine
dharaar qudhihi yey lumin
qaylo dhaanta wada dira
dhimashadana door bida
ninka dhaafa samahana
dhagta dhiig haloo daro
dhurwaagiyo libaaxuna
markaa hays dhirbaaxeen
dheefta haysku laayeen
dabdeed ha dhoofaaan
dhalashana adaa lehe
maalintaa dhulkiisii
nin dhicsaday an kuu qiro
kuwii aad la dhalateen
isku dhiig ahaydeen
aad wada dhisnaydeen
dhulkana aad wadaagteen
ayagaa dad kuu neceb
ha dhagaysan waanada
raga beenta kugu dhuray
dhaayahaagu yey qaban
kuwa kuugu dhow reer
iyagaa dhirbaaxada
dharaar waliab kula raba
ayagaa dhantaalkiyo
kuugu wacanba dhimashada
ayaga ku duudsiyey
magacaagii hoos dhigay
waa hadal dharaaro
ka cad dhayda xoolaha
ha ka dhawrin xulafana
ninkan kuu dhameeye
iyaguna la dhinac yihiin
dhamaantiin ayuubow
dhinac kaliya wada mara
xaqa dhawra wuu iman
ha gamina habeen qudha
maskaxdii dadkaa dhiman
nin qudhihi ma dhaadana
waxa kariyey dhiigee
kii aad dhisayseen
shalay aad boqrayseen
eed uwada dhamaydeen
waa kaa dharaartani
dhaayihiini awdee
dhulka soco adoo nagi
wax dhibihina yey dhicin
dhibyaraanta kuu yidhi
inaad duul wax dhimi kara
ama dhiilo dhigi kara
ama sawdba odhan kara
aad tihiin dhamaantiin
ma dhaadnaba odayguye
daris looxa ugu dhiga
ku dhameeya diintana
dhinacbuu u ciiriye.
Idiris Nuux
idiris_1111@hotmail.com