Waxa Dalka Ethiopia Si heer-sare ah loogu soo Dhaweeyey Weftigii Madaxweynuhu Hogaaminaayey ee Saaka ka duulay Madaarka Hargeisa.
waxaana Weftiga ku sugaayey madaarka itoobiya Raiisal warasaare ku xigeeka Ethiopia oo ku qaabiley Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo socdaal mudo sedex maalmood ah ku tagey Ethiopia ayaa waxa markii ugu horeysey si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweyne Somaliland leedahay masuuliyiinta ugu sareysa itoobiya xukuumadeeda.
Waxaana gegida diyuuradaha ku qaabiley raiisal wasaare kuxigeenka ethiopia ahna wasiirka arimaha dibada ee Itobiya Mr. Hailemariam Desayle, Wasiirul dowlaha arimaha dibeda, Berhane GebreKiristos ,safiirka itoobiya Somaliland u fadhiya Ambassador Berhe Tesfay iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee itoobiya
weftigan oo gogol xaadh ahaan uu u sii tagey itoobiya wasiirka arimaha dibeda ee somaliland ayuu uga mahadceliyay raisal wasaare ku xigeenku imaatinka madaxweynaha ee Itoobiya,wuxuuna sheegey inuu ku faraxsanyahay imaatinka weftiga somaliland, waxuu ka xog-waramey xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal,wuxuuna sheegey inay Itoobiya danayn u hayso horumarka,amniga iyo nabad waarta oo somaliland ka hirgasha, wuxuu weftigu kulamo shaqo oo rasmi ah la yeelan doonaa Raiisal wasaraha Itobiya Mr. Meles Zenawi iyo madaxda diblomasiyiinta ee calamka itoobiya u fadhida.
weftiga madaxweynaha waxa ka mid ahaa Marwada koowaad ee JSL, Marwo Amina Waris, wasiirada Arimaha dibada oo isagu Addiss ku qaabiley weftiga, wasiirka arimaha gudaha, Qorshaynta Qaranka, wasiir ku xigeenka waxbarashada, Cheif of Cabinetka, Cheif of Protocol ka madaxtooyada, Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Qaranka Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL