"ADO" Oo Mishiin Dalagga Shiida Gudoonsiisey Beerleyda Xamas

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

"ADO" Oo Mishiin Dalagga Shiida Gudoonsiisey Beerleyda Xamas

Post by Siciid85 »

Image


Hay’adda ADO/Ceerigaabo Oo Mishiin Dalagga Shiida Guddoonsiisey Beerleyda Deegaanka Xamaas iyo Casuumad Cuntada Waddaniga Oo Halkaas Lagusoo Bandhigay.

CEERIGAABO(OWN) Hay’adda Waddaniga ah Agricultural Development Organization “ADO” oo muddad afar bilood ee ay degganayd magaalada Ceerigaabo si weyn ugu hawl lanayd horumarinta iyo isku xidhyada bulshada beeraleyda Sanaag ayaa kaddib tababbarro is daba joog oo dhinaca beeraha ah. Waxay maalintii Arbacada mishiin cuntada/dalagga lagu shiido guddoonsiisey bulshada beeraleyda iyo guddidooda ee degaan-beereedka Xamaas ee buuraleyda waqooyi-bari Ceerigaabo.

Image

Haddaba munaasibaddii gebagebaynta tababbarrada iyo wareejinta Mishiinkan oo kasokow madaxda hay’addan ADO ay goob joog ka ahaayeen Maayorka Ceerigabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur Isuduwaha W/Beeraha Maxamed Degel Mas’uuliyiin iyo marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa lagu soo bn dhigay casuumadda cunto noocyo kala duwan oo dhammaantood lga sameeyey waxyaabaha waddnkeenna u gaarka ah (Xoolaha iyo Beeraha) taasoo run ahaantii taariikh lama illaawaan ah u noqon karta dhaqankeenna soo jireenka ah iyo waxsoo saarka waddankeenna qaniga ahba, islamarkaasna haddii halkaas laga sii wado keeni karta in laga kaaftoomi karo intooda badan waxyaabaha debedda laga soo dhoofiyo.

Image


Madaxa Hay’asddan ADO gobolka Sanag Mr-Siciid Warsame Hunbanni oo isagu faah-faahin dheer ka bixiyey ujeeddada waxqabadkooda iyo arrintan la isugu yimid ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Maant ujeeddada aynu isugu nimid waa Makiinaddii hadhuudhka shiidda oo ka mid ahayd mashruuca Xamaas in aannu maammulka hortiisa si rasmi ah ku wareejinn iyo weliba gebagebaynta laba tababbar muddo saddex casho ka socdey halkan oo lagu tababbarayey sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen oo aannu filayno in wax badan cuntadii debedda laga keensanayey lagaga kaaftoomi doono. Waxa kaloo iyduna ku jirtey tababbar kusaabsanaa guddida iskaashatada Xamaas in dib loo abaabulo, kuwaas oo aannu rabno in ay wax ka taraan oo is beddel ku sameeyaan waxsoo saarka degaanka Xamaas”. Isagoo intaas usii adaray “Intaaas waxa sii dheer Kanaal ilaa 1500-mitir oo dayactir iyo dhisme cusub aannu ku samaynayno” ugu danbayn wuxu intaas kusii dray “Xamaas waa meel qani ah laakiin dad ahaan qaninnimadaasi kama muugato, taasina waa talo la’aan markaa waxan leeyahay waxqabdkii hay’adda dhulkii wax soo saarka ku wanaagsanaa, biyihii, taageeradii xukuumadda intaba waad haysataane ka faa’iidaysta oo tahriibi ma jirtee talo la’aan ayaa jirta waxadna ogaataan haddii Xamaas oo ugu horraysa mashruucan isku fillaanshaha ee hay’addani ay fashilanto waxay ka dhigan tahay gobolka Sanaag oo mashruucan ku fashilmay”.

Image

Isuduwaha Beeraha gobolka Sanaag Maxamed Degel oo isagunamunasibaddan hadal kooban ka yidhi ayaa kasokow mahadnaqa waxqabadka hay’addan iyo ku boorrinta bulshadu in ay ka faa’iidaystaan agabka iyo aqoonta hay’addani siinayso wuxu sidoo kale dhiniciisa ballan qaaday wasaarad ahaan in ay xil weyn iska saarayaan sidii dhinaca xukuumaddana bulshadani taageeradooda uga heli lahaayeen.

Maayorka degmada Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halks hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Aad iyo aad ayaan ugaga mahadcelinayaa hay’addan ADO wxqabadka ay manta isugu keen-keentay, Waxan kaloo ku faraxsanahay casuumadda maanta halkn aynu ku cunnay oo ahayd waddankeenna wixii kasoo baxay waana markii kowaad ee casuumad dhammaanteed beereheenna iyo xooleheenna ah ku qadaynay taasna hormuud ayaad degmada C/gabo ugu tihiin maanta”. “Waxan kaloo bulshada kula dardaarmayaa in aanay idinka dayacmin mishiinkan iyo aqoonta iyo waxqabad muuqda ee hay’addani idiin samaysay “ “Hay’addana waxan leeyahay waxqabadkan aad noo samyseen waa hordhace noo kordhiya oo weliba xagga tababbarka hablaha ama hablo tababbara u keena ama meelaha kale kusoo tababbara oo ha naloo tababbaro”.

Dhinaca kalena guud ahaan bulshadii halkaas isugu timid ee iyagu degaankan (Xamaas) ka tirsanaa ayaa si weyn waxqabadka iyo aqoonta ay ka heleen uga mahad celiyey hay’addan ADO sidoo kalena sheegay in ay ka faa’iidaysan doonaan waxqabadka hay’addan iyo in ay ilaashan doonaan sidii mishiinkn iyo wixii kale ee hay’addan ay ka helaanba ay u dayac triran lahayeen
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "ADO" Oo Mishiin Dalagga Shiida Gudoonsiisey Beerleyda X

Post by Siciid85 »

Xamas - Sanaag - Somaliland. :up:

Image
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: "ADO" Oo Mishiin Dalagga Shiida Gudoonsiisey Beerleyda X

Post by yunis09 »

siciid how do you post snapshots of google earth ??
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "ADO" Oo Mishiin Dalagga Shiida Gudoonsiisey Beerleyda X

Post by Siciid85 »

CTRL + PRTSC SYSRQ (Screenshot) then past CTRL + (V) to untitled paint.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”