Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah oo xalay Hawl-gal ka fulisay Magaalada Burco
Burco (Waaheen)- Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanab ah ayaa xalay Hawl gal ka fulisay Xaafada Tuurta oo ka tirsan Magaalada Burco,waxanay sida la sheegay hawl galkaasi ku qab-qabteen saddex nin oo ay daba socdeen.
Sida ay sheegayaan warar Xogo-gaal ah oo aanu xalay saacadihii dambe ka helnay magaalada Burco,diyaaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Magaalada Burco ayaa Xalay si lama Filaan ah u fadhiiisatay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Burco ,isla markaana weerartay Guri ku yaala Magaaladaasi oo ay ku qabteen 3 Nin oo ay hore u daba socdeen.
Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey.