Page 1 of 1

17 year old ciise ugaas meets Ethiopian pm Melez zanawi

Posted: Wed Feb 23, 2011 2:18 pm
by The_Emperior5
Ugaaska Iyo Odayaasha Beesha Ciise Oo La kulmay Raysulwasaaraha Itoobiya


kulan kaas oo lagaga wada hadlayay xalada uu Deegaanka Somaalidu haatan ku suganyahay kulankaas oo kadhacay magaalada Diridhaba

Odayaasha Beesha Ciise oo uu hogaaminayo ugaaska beeshaas Ugaas Mustafe Maxamed ayaa kulan laqaatay raysulwasaaraha Itoobiya mudane Melas Zenaawi.

kulan kaas oo lagaga wada hadlayay xalada uu Deegaanka Somaalidu haatan ku suganyahay kulankaas oo kadhacay magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu xusayay maalinta Beeralayda Itoobiya.
Raysulwasaare melas ayaa ku amaanay beesha Ciise in ay yihiin Muwaadiniin dhab ah islamarkaasna kaalin muhiim ah kaga jira horumarka iyo amniga wadanka isaga oo ugu hambalyeeyay kaalintay ka qaataan ilaalinta xuduuda Itoobiya oo ah halbawlaha kaliya ee wax soomaraan guud ahaan dalka.
Dhinaca kale odayaasha beesha ciise ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka haysta bulshadooda iyaga oo raysulwasaaraha u sheegay inaysan diyaar u ahayn 18 sano oo kale oo ka khasaarta islamarkaasna sheegay in aysan waxba ka sugayn Xukuumada dhalanteedka ah ee uu hogaamiyo Cabdi iley.
Odayaasha oo hadalkooda siiwata ayaa yidhi, anagu hada waan kadaalnay is jiid jiidka kililka 5aad dadkayaguna waxay u baahan yihiin horumar iyo cadaalada iyaga oo ku tilmaamay xukuumada hada jirta tii ugu xumayd ee abid deegaanka soo marta, taas oo ku can baxday musuq iyo qabyaalad.
xukuumadan haatan jirta ayaanan qoonsanayan qabaa’ilada kaladuwan ee ku dhaqan deegaanka islamarkaasna ay wataan halkudhig la yidhaado (Absame).
waxa odayaasha oo hadalkooda siiwata ay sheegeen in ay adagtahay in wada shaqayn lala yeesho Dawladda haatan jirta taasoo aminsan in deegaanka ay leedahay beel kaliya.
Udanbayntii odayaasha ayaa raysulwasaare melas ,in hada waxii kadanbeeya ayna beesha ciise wax wada shaqayn ah layeelan doonin Xukuumada dhalanteedka ah ee uu cabdi ilay hogaamiyo islamarkaasna EPRDF ay ka su gayaan go’aan hadii kalena ay
beeshu tashan doonto iyada oo ayaheeda iyo mustaqbalka dadkeeda katalinaysa
Gabgabdii kulanka ayaa waxa ka hadlay Raysulwasaare Melas isaga oo sheegay in uu lasocdo xaalada uu hada deegaanku ku
suganyahay islamarkaasna si deg deg ah loo sixi doono, isaga oo shaaca ka qaaday in ay dawladda dhexe talaabooyin cad qaadidoonto islamarkaasna balan qaaday, in beesha Ciise ay hada waxii kadanbeeya ay ka faa’idaysan doonaan horumarka
cadaalada iyo Dimuqraadiyada haatan ka hana qaaday dalka Itoobiya.
Dhinaca kale arintan ayaa aad u walwal galisay Madaxweyne Cabdi Ilay kadib marku ogaaday fariinta ay odayaashu u gudbiyeen Raysulwasaare Melas taas oo turunturo ku noqotay xukuumadiisi qabiiliga ahayd ee markii horeba kacaa kufaysay.