Wakiilka Somaliland ee dalka Kenay oo kulan qado sharaf ah u sameeyay Kooxo aqoon yahano ah oo wax ka dhiga jaamacadaha Somaliland
SDWO (Kenya 24/02/2011) Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Kenya mudane Mohamed ahmed nur (Indhabuur) ayaa casuumad qado sharaf ah u sameeyay koox aqoon yahano ah oo ka kala yimi jaamacado kala duwan oo ku yaala Somaliland. Aqoon yahanadan oo tiradoodu gaadhaysay 9 mutacalim ayaa u yimi dalkan Kenya shir ama tababar dhanka xirdfadooda ah iyagoo metelaya magaca jamhuuriyada Somaliland, waxaa si gaara uga dhex muuqday aqoon yahanadan xildhibaan Naasir ali shire oo bare sare ka ah jaamacado kuyaala caasimada Hargeisa.
Abaara barqonimadii aroornimo kolkii ay soo gaadheen madasha ay kutaalo xafiiska Somaliland ayaa waxaa halkaas kulan is xog wareysi ahi ku dhex maray kooxdan aqoon yahanada ah iyo wakiilka Somaliland. Aqoonyahanada ayaa dhankooda aad ugu amaanay safiirka dadaalkiisa uu ugu jiro danaha Somaliland isla markaasna aad ula dhacay qaab dhismeedka safaarada oo heerkeedu sareeyo sidoo kale waxay ka codsadeen safiirka inuu kala shaqeeyo baahida ay u qabaan in la mataaneeyo jaamacadaha Somaliland iyo kuwa Kenya, dhanka kale safiirka ayaa aad usoo dhaweeyay aqoonyahanadan una sheegay inuu kala shaqayn doono wax kasta oo ay uga baahdaan dalkan Kenya isagoo kala tashanaya wasaaradaha ay quseyso ee Somaliland.
Guntii iyo gebogebadii waxaa qado sharaf lagu wada qaatay hotel aan sidaas uga fogayn goobta ay ku taalo safaaradu , iyadoo ay meeshaasna ka dhacday is barasho baaxad weyn iyo waliba is dhex gal iyadoo ay dhanka kale qadada ku wehelinayeen kooxdan aqoonyahanada Somaliland iyo xafiiska , marti kale oo ka timid dhankaas iyo maraykanka oo uu ka mid ahaa aqoon yahan sare oo wax ka dhiga jaamacad ku taal dalkaas.
Safiirka ayaa usoo jeediyay mutacalimiinta inay geestooda dadaalka ka wadaan oo horumarka dalkana qeyb ka yihiin, dhanka kale waxaa halkaas hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay isagoo ku hadlaya magaca aqoonmyahanada martida ah xildhibaan Naasir ali shire oo ku amaanay safaarada dadaalka ay wado. Waxaa isna halkaas kalmado talo ah usoo jeediyay aqoonyahanada matalaya badi jaamacadaha Somaliland wakiil ku xigeenka Somaliland, Abdirizak Ahmed Karaani oo kula taliyay in ay xooga saran sidii ay jaamacad kasta oo ku taala Somaliland ay u yeelan lahayd gudi arday lagu soo doorto si democratic ah taasoo ayuu yidhi wax weyn ka tari doonta mustaqbalka dalka iyo ka jaamacadahaba.
Xafiiska Somaliland ee Kenya
Somalilandembassy.kenya@gmail.com
Tell-Office: 2542714012/13
Fax: 254 2714018